Sunday, October 3, 2010

Shaqaalihii Nationlink Ee Laga Afduubtay Laasqoray Oo Ka Waramay Sababta Afduubka Loogu Haysto

 

Lasqoray (burcotoday)- Mid ka mid ah ragii ku afduubnaa deegaanka Laasqoray, ayaa ka waramay qaabkii loo afduubtay iyo halka ay imika ku sugan yihiin.
Ragan la afduubtay ayaa intooda badan waxay u dhasheen caasimada Hargeysa ee Somaliland, halka mid ka mid ahina uu u dhashay gobolka Sanaaag, waxaana lagu haystaa meel waxyar ka baxsan magaalada Laasqoray.
Maxamuud X Muuse Jaamac oo shalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxafi, ayaa sheegay in ay u afduuban yihiin rag budhcad badeed ah oo ku xidhan Magaalada Berbera, waxayna sheegeen in marka ragaasi la siidaayo uun iyagana la siidayn doono inta ay doonto ha ku qaadatee.
Maxamuud Xaaji Muuse waxa kale oo uu sheegay in ay arrintani ka dambaysay ka dib markii maxaabiis ku jirtay Berbera lagu badashay gaadiid laga lahaa bariga Burco, taasina ay keentay in ragan shacabka loo afduubto si raga kale ee xidhan loo siideyn lahaa.
Ragan la afduubay ayaa sheegay in rajada kaliya ee ay haystaan ay tahay shir meel u dhow ka socda oo waxgaradka iyo madax dhaqameedku ku shirayaan, iyagoo sheegay in ay u yimaadeen salaadiin calculus, isla markaana ay ka warsugayaan odayaashaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in si fiican loola dhaqmay intii ay halkaasi ku xidhnaayeen, isla markaana loo ogolaanayey in eheladooda la hadlaan.
Maxamuud Xaaji Muuse Jaamac oo wargeyska Saxafi uga waramay qaabka loo afduubay, halka ay ku nool yihiin, iyo sida loo lala dhaqmaba waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu wadnay survey aanu u wadnay shirkada isgaadhsiinta ee Nationlink, oo aanu ka wadnay gobolada bariga, markii aanu nimid Laasqoray ee aanu hawshayadii wadano goor aanu ku qiyaasnay duhurnimadii, niman ayaa weerar nagu soo qaaday, ka dibna magaaladii oo guuraysa ayaa nootimid oo aanu cidi kamaqnayn, waa nala laayey oo baabuurkii iyo wixii aanu wadanay oo dhan ayaa la nagaga jajabiyey, ka dib niman odayaal ah iyo qolo ka tirsan warshada kalluumaysiga ayaa na kaxeeyey oo na geeyey warshada oo naga badbaadiyey dadkii na layn lahaa, markii aanu halkaas joognay ayaa hadana qolooyinkii noo yimaadeen oo ay na qafaasheen, odaashani odayaal may ahayne, kolna odayaal ayey iska dhigayeen kolna maafiyadan na afduubaysa ayey ahaayeen, iyagaa yidhi gaadhigan raaca waa iska caadiye, sidaan ayaanu ku raacnay oo naloo kaxaystay.
Waxa ay na geeyeen xaga badda, baabuurkii aanu wadanayna gidaar ayaa lala dhacay oo waa la jajabiyey, waxa nala socday laba askari oo naga soo raacay Badhan” ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayey meesha la geeyey iyo waxa loo haystaba, waxa uu yidhi “ Waxa nala geeyey meel buur ah oo aad u raf ah, waxa na loo haystaa niman dhawr iyo labaatan nin ah oo ku xidhan Berbera oo budhcad badeed ah, waxayna noo sheegeen in marka nimankaasi la sii daayo anaga nala sii daynayo, xiitaa haddii ay tobanaan sanno qaadanayso, waxay leeyihiin waad fadhiyeysaan”.
Sido kale, waxa la waydiiyey maadaama oo aanay iyagu ahayn xukuumaddii waxa loo afduubtay oo afduubayaashu ugu tagi waayeen cida haysata dadkan ay sheegayaan, iyagoo arrintaasi sheegaya waxay yidhaahdeen “ Waxay yidhaahdeen dawladan cusub waxay samaysay niman majeerteen ah oo arrimahan u xidhan ayaa lagu soo bedelay gaadiid ay majeerteenku ka haysteen, gaadiidkaasi ragooga loogu soo bedelayna waxay ahaayeen gaadiid laga leeyahay bariga Burco, wax badana ay ku haysteen deegaankooda ka dibna loogu bedeshay gaadiidkaasi oo ay nimankaasi dawladu fasaxday”.
Mar ay ka hadlayeeen qaabka loo qabtay waxay yidhaahdeen “ Waxani qorshe ayey ahayd la sii diyaariyey shabakadii la sii diyaariyna anagaa galnay”.
Mark la waydiiyey cida hawshooda ku jirta ee hadda ku hawlan arrintooda, waxa uu yidhi “ Haa waxa imika ku jira hawsha niman odayaal ah oo calculus oo meel waxyar noo jirta joogta ayaa na loo sheegay, salaadiin calculus ayaa na soo booqday, dad calculus ayaa noo yimid, waxayna joogaan meelo aan naga dheereen oo soddon ilbidhiqsi loo socdo ayey shirweyne uga socda oo aanu ka warsugaynaa waxa na loogu taliyo”.
Mar la waydiiyey inta ay yihiin, waxay sheegeen in shan qof ay yihiin afarna ay reer Hargeysa yihiin, midna reer Ceerigaabo yahay oo ahaa ninkii gadhwadeenka ahaa, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Waxaanu nahay shan nin, mid reer Ceerigaabo ah iyo afar reer Hargeysa ah, ninkaasi wuxuu ahaa gadhwadeenkayagii” ayuu yidhi
Waxa kale oo wax laga waydiiyey qaabka loo la dhaqmay intii ay afduubnaayeen, waxa uu ku jawaabay “ Horta xoriyada ayaa ugu muhiimsan qofka bani’aadamka ah wuxuu u baahdo, si fiican ayey noola dhaqmeen, barqadiina cadceeda ayaanu u soo baxnaa oo meel yar oo taag ah ayaan taaganahay hadda, meel aan iga dheereena way nala joogaan, eheladayada in aanu la hadalnana way noo ogol yihiin.
Dadkan na haystaa shan ka mid ah ayey wax isku yihiin raga xidhan ee ay sheegayaan, waxaanay leeyihiin ragani dambi ma leh waa la iska xukumay iyagoo aan dambi lahayn ayaa la iska xukumay, marka waxaanu u sheegnay in aanan waxan ay sheegayaan garanayn, cid la xidhay iyo cid aan la xidhinba, markaa waa inamo yaryar oo iska kaaya haysta. ” Ayuu yidhi Maxamuud oo ka mid ah raga ku afduuban Laasqoray.
Mar la waydiiyey maadaama oo ay dad islaama yihiin sababta dadkan shacabka ah ee meesha iska maraya ugu aargudayaan rag dawladi haysato waxa uu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu ku jawaabay “ Waa dad aan waxba garanayn oo dhalinyaro u badan, wallow rag waaweyniba la socdaan, laakiin sida kale si fiican ayey noola dhaqmaan oo cuntadana noo siiyaan, waxayna na geeyeen meel ay dawladii hore ee Somalia dhistay halkaas ayaanu u hoyanaa habeenkii ”
Ragan la afduubtay ayaa waxa ka mid ah Maxamuud Xaaji Muuse Jaamac, jaamac Cali Geedi oo ah Injineerkii shirkada Isgaadhsiinta ee Nationlink, , Jaamac Cabdi Dixood, Haybe Xuseen Askar, Siciid Ducaale.
Shantan nin ee reer Laasqoray u afduubay ayaa ka dambeeyey ka dib markii maxaabiis ku eedaysnayd budhcad badeed la siidaayey, kuwaas oo lagu soo bedelay gaadiid laga leeyahay Somaliland oo ay hore u haysteen ehelada maxaabiistan budhcad badeeda loo haysto.
Saxafi

0 comments:

Post a Comment