Tuesday, October 5, 2010

Ciidamo Somalia Ah oo Tababar Ugu Socodo Uganda oo Lagu Wado In Dhawaan Somalia Loo Diro

Nairobi(burcotoday)-Bishan ayn ku jiro ayaa lagu wadaa inuu Tababar u soo dhamaado 960 askari oo somali ah kuwaas o tababar uga socday galbeedka dalka uganda.

ciidamadan iskugu jira rag iyo dumar aan saas ubadneyn ayuu tababarku usocday dhorkii bilood ee ugu dambeeyey.

tababarkan ayaa waxaa bixinaneyeey 14 dowladood oo katirsan Dolwadda midowga Reer yurup isla’markaan ay kubixiyeey
kudhawaad 15 milion oo lacagta Euro ah.

Dowladdaha Tababarkan Bixinayey ayaa waxaa Hurdoom ka ah dowladda Faransiiska Janeral katirsan Saraakiisha Tababarkaasi Bixinayaa ayaa sheegay inay ciidamadani Yihiin kuwa aad wax uga Tari Doona Amaanka Dalka ay Dagaaladu Halakeyeen ee Somalia.

Janeralkan oo Bartay Luuqadda Somaliga ayaa sheegay inay Soo jeedatay Dabeecadda iyo Dhaqanka ciidamadan.

Ciidamadan ayaa Waxaa la Baray Difaacidda Nafsadda iyo Sida Xabadda Loo rido.
Ciidamadda ayaa waxaa laga Codsaday inayna Noqon Kuwo faa’iido u noqda Alshabab isla’markaan ay La dagaalamaan Kooxahaasi ilaa ay Kasaarayaa Guud ahaan Dalka somalia Gaar ahaan Magaladda Muqdisho.

Ciidamadda ayaa Marka uu Udhamaado tababarkani Waxay ka Garab dagaalami Doonaan ciidamadda AMISOM ee kusugan Magaladda Muqdisho.

Maahan Ciidamadii ugu Horeeyey ee Lagu Tababaro ee Somali ah Balse Waxaa jira Ciidamo Badan oo lagu Tababaray Dalka Gobalka oo Lageeyey Magaladda Muqdisho Markii Dambana Ku biiray Kooxa Islaamiyiinta ah ee Kasoo Horjeeda Dowladda Madaxweyne Shariff Sheikh Ahmed Kadib Markii ay Heli Waayeen Mushaharaadkii loo Balanqaaday.

Dowladda uganda ayaa Horay usoo Tababartay 2’000 oo Ciidan ah kuwaas oo aan wax Weyn ka Qaban Amaanka Dalkaaso somalia
 

0 comments:

Post a Comment