Saturday, October 16, 2010

Diyaarad ay Leedahay shirkada Diyaaradaha Ee Qatar Airways oo Duulliyihii Waday uu Dhintay Iyadoo hawada ku Jirta. Maxaa dhacay Akhriso Dhacdadan Layaabka Leh

 

QATAR(burcotoday)- Shirkada diyaaradaha ee dalka Qadar Ee Qatar Airways ayaa sheegtay in mid kamida diyaaradaheeda iyadoo hawada ku jirta inuu dhintay Duuliyihii diyaaradaa waday, Shirkada ayaa sheegtay in Diyaaradaa ay ka soo duushay magaalada Manila Ee dalka Filibiin isla markaana ay ku socotay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar,


Shirkada ayaa sheegtay inuu dhintay duuliyii waday diyaarada socdaalkeedu ahaa Flight (Q-R-645) iyadoo hawada ku jirta, duuliyahaasi markii uu dhintay ayaa caawiyayaashiisii ay diyaaradaa hogaanka u qabteen iyadoo diyaaradaa si deg deg ah looga leexiyey dariiqii ay haysatay isla markaana la fadhiisiyey magaalada Kuala Lumpur,


Shirkada ayaa sheegtay in diyaaradaa iyo Rakaabkii saarnaaba aanay soo gaadhin wax dhibaato ah iyadoo Caawiyayaashii Duuliyaha ay diyaaradaa soo bad baadiyeen kadib markii duuliyihii u xil saarnaa uu ku dhintay diyaarada dusheeda, Shirkada ayaa sheegtay inay Rakaabkii diyaaradaa ku nasiyeen magaalada Kuala Lumpur kadib markii ay anfariir ka qaadeen in iyagoo hawada ku jira uu dhintay Duuliyii diyaarada ku waday,

Shirkada Qatar Airways ayaa sheegtay inay diyaaradaa u direen duuliye kalle oo kasoo kaxeeya Kuala lumpur isla markaana u soo duuliya diyaaradaa iyo Rakaabkaba Magaalada Doha Ee Dalka Qadar, Shirkada ayaan ka bixin wax tafaasiil ah oo intaa dheer arintan mucjisada ah,

0 comments:

Post a Comment