Tuesday, October 19, 2010

Aroos Cajiiba: Wiil laba Hablood Mar Keliya Xalay Kula Aqal-galay Deegaanka Tuulada Abaarso + SAWIRO

 




Hargeysa (burcotoday)- Waxay ahayd xalay markaan dhinaca galbeed uga ambabaxay magalada hargaysa, si aan uga qayb galo arooska Axmed Cabdi Cismaan iyo caruusadaha kala ah (Amran Maxamed Mooge iyo Farduus Farax Maxamuud) kula aqalgalay meel inyar uun kasokaysa tuulada abaarso, hadaba siaan indhahayga ugasoqaado oon la iiga sheekayn aroosyada noocana ee imika kusoobadanaya wadankeena Somaliland ayaan u uhubqaatay ka qaybagalka aroskan anagoo kaxaysanay gaadhi noo gaarah.
Tegitaankayagii iyo Waxyabihii Xisaha Laha een ku arkayay:
Waxanu baxnay saladii maqrib kadib anaga oo u dhaqaaqnayn dhinaca aroosku kadhacayay oo in kayar 20 kilometer u jirta magaalada Hargaysa kana xigta xaga galbeed waa tuulada Abaarso sokedeeda e , waxyabaha xisha leh een arkayay intii anu jidka kusoo jiray wax kamid ahaa, dadfarabadan oo dariiqa dheer ee lamiga ah ee isku xidha Hargaysa iyo Abaarso sii qul qulaya iyagoo qaarkood lug ku tagayay goobta arooskan wiilku labada dumarka ah halmarkula aqal galayay, dadkaasi oo casarkii bilabay inay ulugeen arooska wadada dhinacyadeedana lugaynayay xiisaha ay uhayaan inay maruun indhaha soo saran arooskan ah awgeed , wiil aan aroska kula kulmay aya ishegay inay ilaA Hargaysa soo lugeyeen siay u ga qaybgalaan arooskan madama ooy xisaynayeen aroska nocana ee wadankeena jusoo badanaya inay arkaana ay usoo mareen jidkaa dheer ilaa 20 kilometer, intaa waxa dheeraa dad sookiraystay gawaadhi sidabasas, tagaasi iyo gawaadhi kaleba kuna soo gadhay goobta arooska, iyadoo meeshu laceryoontay gawaadhi iyo dad.
Muuqaalkii Goobta:.
Waxaa loo dhisay Arooskan laba Guri oo Toobal caareyaal ah waa guryaha ugu quruxdabadan ee miyiga laga dhisto ee meel waxyar ujirtana waxa laga dhisay Dadab aad u wayn oo Arooska lagu qabto taasoo si farshaxana loo dirayaariyay.
waxaa iyana intaa dherayd goob iyana dadka kazoo qaybgalayasha ah loogu diyaariayay sooryo ama casho intay meesha joogaan.
Bilaabmidoo xaflada iyo jawigeedii:
Waxaa intaan xafladu bilaabmin buuxdhaafiyay goobtii xaflada dadwaynihii kazoo qayb galay taaso adkaysay in xafladu bilaaban, waayo qofkastaa waxaa uu rabay inuu arko ama dul istaago Arooska iyo Aroosadaha siuu indhaha uga qaado dadkuna aadbay ubadnayeen tasoo kentay in inyar lahakiyo xafladii sihorta dadka lookala habeeyo, waxan la dalbaday askar iyo dad gaara oo suga /habeeyana goobta. Cabaarkadib waxa sifiican loohabeyey xafladii waxana siwayn loogu soodhoweeyey Arooskii oo ay gacmaha ishaystaan labadisa Xaas ama Aroosadood, waxana lafadhiisiiyey goob ugaara oo loogu talo galay inay fadhiistaan.
Waxana dadkii kazoo qaybgalay xafladu siwayn ugu damashadeen uguna ciyaareen Arooskii axmed iyo labadiisa caruusadood iyagoo Arooska iyo labadisa caruusadoodna ay dadka kala qaybgalayen ciyaarta iyo damashaadka iyagoo gacmaha ishaysta .
Sababta keentay in uu Axmed labada hablood mar lawada aqal galo iyo dareenadoodii siduu ahaa:
Kadib markii aan u kuurgalay waxyabaha ka danbeyey in arooskani marka laga reebo inay ahayd calaf oo dabcan dee ilahay calafkiisaa ka dhigay inuu habeen qudha la aqal galo laba dumara axmed, hablahana calafkoodaa kadhigay inay habeen hal nin wada guursadaan.hadana malaha sabab kale ayaynu inta badan raadinaa maqaalkaygana dadku kadhex egayane waxan xogti kuso helay in marka hore wilku mid laheshiyay si qarsoon kadibna ay isku yara dheceen, markii danbena uu gabadha kale soo kaxaystay. taasoo keentay in walidkii ama aabihii uu wiilka ka codsaday madama oo uu marki hore gabadh laheshiyay ayna ushegtay walidkeed oo ay walidkedna diyaaryihiin balansanyihiina in aanu kanoqon si uu dhaqanka iyo milgaha labada reerood u ilaaliyo. isla markaana gabadhan cusubna madama oo uu kenayba aan lacelin ee labada hablodba mar lawad meheriyo lana wada arooso sidiibayna wilkii iyo abihii isla qateen hawshiina ku dhamatay.
Mar ay isuuro gashay inaan wax kawaydiiyo darenkoda caruusku wuxuu ishegay inuu ku faraxsanyahay waajibaadkan uu gutay ee ah inuu laba xaas samaysto, labadadoodana uu si isku mida raali ugayahay uguna xaqsoori doono insha alah. dhinac aroosaduhuna waxay ishegeen inay kufaraxsanyihiin arooskooda oo aanay wax cuqdada kaqabin inay marwada aqalgalaan ralina iskaga yihiin, intaa waxa dheeree oon ku arkayay in sadexdooduba ay iskafaraxsanayeen oo ayintabadana dhoolacadaynayeen umay ekayn dadqasab lasikugu kenay ee dad sidan iyagu rali kuwada ahabay iila ekayeen.
Gebo gebo: Beryahan danbe waxaa soobadanaya aroosyada nocan oo kale ah ee kadhaca wadankeena, iyadoo intaan ogahay ay 3 aroos oo noocan oo kale ahi ka dhaceen , tuulada garabis, hargaysa , iyo waliba degmada alaybaday, kanina waxa uu noqonayaa arooskii 4 aad ee nocisa ah .
Waxaan anoo kafaaidaysanaya fursadan jeclahay inaan uga hambalyeeyo arooskan , waxan ugu ducaynayaa ducadii nabiga (barakalaahu laha wabaraka calayka wajamaca baynakumaa bilkhayr aw filkhayr).
Cudurdaar:
Waxan kayara cuduraaranayaa sawirada qaarkood oo woxoogaa aan clear ahayn ama shoocacyari ku jiro .

0 comments:

Post a Comment