Sunday, October 3, 2010

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UDUB Oo Shaaca Ka Qaaday In Garabyadii Xisbiga Ee Borama In Xabsiga Loo Taxaabay

 

Hargeysa (burcotoday)- Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ayaa markii ugu horaysay xukuumada Madaxweyne Silaanyo ku eedeeyey in garabayadii dhalinyarada ee Borama in xasbiga loo taxaabay.

Sidan-na waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu magaalada Hargeysa ka soo saaray Gudoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, kaas oo uu kaga hadlay dhalinyartaas xisbiga ka tirsan ee Borama lagu xidhay.
War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:-
“Waxa shalay xabsiga loo taxaabay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal dhammaan hogaanka xubnaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga UDUB ee Boorama. Xubnahaas looma marin wadada sharciga ah,. Ma jirto haba yaraatee wax denbi ah oo lagu eedeyey xubnahaas. Waxayna u xidhan yihiin fikirkooda keliya inay yihiin taageerayaasha Fir fircoon ee xisbiga UDUB ee Gobolka Awadal.
Waxanu xukuumda ka codsanaynaa inay u soo celiyaan xoriyadooda ama ay horkeenaan hay’adaha sharciga haddii lagu hayo falal danbiyeed oo ay meesha ka baxdo kala aar goosi siyaasadeed ee xisibga Kulmiye ku hayo taageeraayaasha Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal. Waxa xukuumada hortaal inay daboosho baylahda faraha badan ee hortaal sida sugida ammaanka ee dalka oo debecsanaan badani ka soo baxday, iyo toosinta maamulka dawliga ah.
Waxanu ka codsanaynaa hay’adaha arrintani khusayso in gacan laga geysto sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa xubnahaas Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal. Waxa xunbahaas hormuud u ah
Cabdillaahi Bade Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarda
Muumin Xasan Sh. Muumin Xidhiidhiyaha Garabka dhallinyarada ee Gobolka.”

0 comments:

Post a Comment