Wednesday, October 20, 2010

Maxkamada Sarre Ee Dalka Imaratka Carabta oo Sheegtay Inay Banaan Tahay Inuu Ninku Garaaco Xaaskiisa Isagoo Edbinaya

ABUDHABI(burcotoday)- Maxkamada sare ee dalka Imaratka carabta ayaa soo saartay go,aan ay ku ogolaanayso in Ninku dilli karo ama garaaci karo Xaaskiisa iyadoo aanuu ku sameynayn wax nabaro ah oo muuqda laakiin la ogol yahay inuu jug hoose gaadhsiiyo isagoo Edbinaya,

Jaraa,idka dalkaa ayaa sheegay in Maxkamadu go,aankaa gaadhay kadib markii Nin u dhashay dalka Imaratka uu nabaro xun xun u geystay xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay oo qaan-gaadh ah,

Maxkamada ayaa sheegtay in ninku uu danbiile yahay hadii uu u geysto Reerkiisa nabaro muuqda laakiin ninku uu garaaci karo xaaskiisa iyo Caruurtiisa aan qaan-gaadhin hadii uu doonayo inuu Edbiyo, Maxkamada ayaa sheegtay in diinteena islaamku ay ogoshahay inuu ninku garaaci karro Xaaskiisa iyo caruurta aan qaan gaadhin, Maxkamada ayaa go,aamada ay soo saarta waxaa kamid ahaa in aan la garaaci karin Hablaha Qaan-gaadhka ah ama 18 jirka gaadhay,

Go,aankan maxkada ayaa guud ahaan waxa uu sheegayaa in la ogol yahay inuu ninku yara buka bukeeyo xaaskiisa laakiin aanuu gaadhsiin karin nabarro muuqda oo wajiga iyo jidhka kalaba ah, iyadoo aan la ogolayn inuu ninku Qaarre iskala dhaco gabadha si axkaqnimo ah,



Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment