Wednesday, October 20, 2010

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Ka Codsaday Xildhibaanada Dowlada KMG Inay Ansixiyaan Raysal Wasaaraha

 

MUQDISHO(burcotoday)-  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo  Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dowladda KMG.
Isagoo Xarunta Madaxtooyada kula hadlayay qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Dir ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada Barlamanka inay ansixiyaan oo codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Soomaaliya Prof. Max’ed Cabdullaahi Max’ed kaasoo lagu wado in Maalinta beri ah uu hortago XIldhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanadii kulankaa ka soo qeyb galay ee ka soo jeeday beesha Dir waxaa uu gudoonsiiyay kutaabka qaur’aanka Kariimka waxaana uu uga mahad celiyay qaabkii ay uga tanaasuleen Xilka Wasiirka koowaad ee beeshaasi ay u soo sharaxatay Max’ed C/laahi Oomaar oo ka mid ahaa masuuliyiinta kulanka maanta ka qeyb gashay.
Xildhibaanadii kulanka ka soo qeyb galay oo gaadhayay ku dhawaad 100 xildhibaan ayaa ka aqbalay codsiga madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul wasaaraha cusub,

0 comments:

Post a Comment