Saturday, October 23, 2010

Shuban ka dilaacey wadanka HAITI dileyna 130 qof

SANTO DOMINGO(OWN) – In ka badan 130 qof ayaa ku dhintey dhawaanahan ,kadib markii uu shuban ka dilaacey wadanka HAITI ,waana sida ay maamulka caafimaadka ee dalkaasi ay sheegeen khamiistii shaley .
marka loo eego warbixinada naga soo gaadhaaya laga soo bilaabo Port-au-prince ilaa caasimada dalka haiti ,xukumadu waxay sheegtey dhimasho laga diiwaan geliyey dhulka baadiyaha ah ee qaybo kala duwan oo dalka ah .
sababta uu u faafey shubankani ayaan ilaa hada la cadeyn ,laakin sarkaal u hadley wasaarada caafimaadka oo qaybtey shir jaraa’id ayaa sheegey “natiijadii ugu horeysey ee laga soo saarey tijaabadii shaybaadhka (lab) ayaa ku tuseysa inuu ahaa CHOLERA, laakin garan meyno nooca uu yahay”.

Artibonite oo ku taala waqooyiga Haiti 30 qof ayaa ku dhintey 150 kalena cusbitaalka ayaa la dhigey, Mirebalais oo iyadu ka xigta dhanka waqooyi bari caasimada ayaa sidoo kale 10 qofi ku dhinteen 60 kalena la daweynayaa .

“waxa jira boqolaal dad ah oo cusbitaalada ku jira ,sidoo kale bukaano kale ayaanu u daadgureyneynaa goobo kale oo caafimaad”agaasimada guud ee wasaarada caafimaadka ee Haiti mr Gabriel Timothe ayaa sheegey.
xukuumada ayaa ka codsatey dadka deegaanka iney nadaafada kor u qaadaan si loo joojiyo faafida cudurka.

bilooyin ayey ururada gargaarka caalamiga ahi ka digayeen in xanuunkasta oo ka dilaaca wadanka Haiti uu si degdeg ah u fidi karo maxaa yeeley xaalada caafimaad oo aad u hooseysa ,iyo xerooyinka oo dadku aaney awood badan u lahayn iney nadiifiyaan biyaha.

wadanka Haiti ayaa beryahan danbe la daalaadhacaayey fatahaado iyo daadad ,iyo sidoo kale dhulgariir lagu qiyaasey 7.0 magnitude oo ku dhuftey bishii January ee sanadkan kuna nafwaayeen 250,000 oo qof .

0 comments:

Post a Comment