Saturday, October 23, 2010

War-Saxaafaded Ay Soo Saareen Dowladda KMG ee Soomaaliya Oo ugu baaqay Inay Sii Daayaan kooxda haysata Lamaanaha u dhashay dalka Britain

War-Saxaafaded Ay Soo Saareen Dowladda KMG ee Soomaaliya   Oo ugu baaqay  Inay Sii Daayaan kooxda haysata Lamaanaha u dhashay dalka Britain

Muqdisho(burcotoday)- Dowladda KMG ah ayaa warsaaxadeed ay maanta soo saartay ugu baaqday kooxda haysata lamaanaha u dhashay dalka Britain ee muddada sanadka ah lagu heystay Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa sidatan u qornaa:——
Berri oo sabt ah waxaa buuxsamaya muddo sanad ah oo laga joogo markii la afduubtay Paul iyo Rachel oo ah lamaane u dhashay dalka Ingiriiska. Sii haysashadaasi oo sii socota waxay ceen iyo waji gabax ku tahay waji gabax sharafta umadda Soomaaliyeed oo ixtiraamta martida. Mas’uuliyada falkaas waxaa dusha u ridanaya dambiilayaasha geystay falkaas oo khalkhal galiyay marin biyeedka istaraatijiga ah ee u dhow  biyaha Soomaaliya.
Xukuumadda Federaalka Somaliya waxay sameyn doontaa dadaal kasta oo wax ka geysanaya sii-deynta lammaanahaas. Sidaasi darteed waxay dowladdu dib u eegi doontaa dadaalladii la bixiyay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dib loo eegi doono hababkii hore, lana baadi-goobayo kuwo cusub oo ay ka mid yihiin in lala xiriiro hoggaamiyeyaasha deegaanka.
Dowladdu waxay qaddarineysaa dadaalladii Soomaalida gudaha iyo kuwa ku nool dalka Ingiriiska ay ku bixiyeen sii-deynta lammaanaha.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Tallaabadii Arbacadii la soo dhaafay lagu sii daayay Franz Barnard oo u shaqeynayay Hay’adda Badbaadinta Carruurta ee Save The Childreen waxay ina tusineysaa in dadka wax afduubta ay awood u leeyihiin inay wax garowsadaan, oo diir-naxaan. Taas waxay rajo gelineysaa Paul iyo Rachel iyo dhammaan la-haystayaasha kale ee lagu haysto dalkeena.
“Qoyska Chandlers waa dad masaakiin ah. In la sii haysto waa mid ka baxsan bani’aadannimada iyo diinteena islaamkaba. Waxaan ugu baaqeynaa dadka haysta inay degdeg u sii daayaan. Waa inay fahmaan in Soomaalidu abaal weyn u hayaan dowladda Ingiriiska iyo shacabkeeda sidii ay u soo dhoweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed ee ka cararay dalkooda. Waxaa nalaga doonayaa inaan abaalkaas gudno.
Sidas Darteed waxay fursaddan kaga faa’ideysaneysaa inay ugu baaqdo beesha caalamka inay garowsato dowrka kaga aaddan inay caawiso Soomaaliya sidii ay uga soo kabsan lahayd labaatan sano oo burbur siyaasadeed, bulsho iyo mid dhaqaale ah.
“Burcad-badeenimadu waa cudur bulshadeena aafeeyay. Waan cambaareyneynaa, waana maxkamadeyneynaa ciddii aan qabano. Laakiin burcad-badeednimadu waxay ka dhalatay burburka siyaasadeed iyo midka dhaqaale. Shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin taageerada Adduunka si dib loogu dhiso dalka oo loo abuuro shaqooyin, si dadku si sharaf leh u kasbadaan noloshooda.
“Beesha caalamnku waxay lacago badan ku bixisaa maraakiibta ku sugan badda Soomaaliya ee ilaalisa maraakiibtooda ganacsiga. Haddii qeyb yar oo ka mid ah kharashka ku baxaya maraakiibtan lagu bixin lahaa in lagu caawiyo si loo sugo ammaanka, dalkana dib loogu dhiso, waxaa xaqiiqo ah in marka horeba meesha laga saari lahaa waxyaabaha keena burcad-badeednimada.”
Wasaarada warfaafinta  ee DKMG Somaaliya.

0 comments:

Post a Comment