Thursday, October 7, 2010

Osantos Kuku oo Guursaday 134 Dumara Isla Markaana Dhalay 160 Caruura & 203 Caruura uu Awoow u Yahay oo Shalay Ku Geeriyooday Dalka Kenya

 

KENYA(OODWEYNENEWS)- Waxaa Shalay ku dhintay dalka Kenya Osantos Akuku Teger oo jabiyey Qiyaasta guurka kadib markii uu guursaday 134 Dumar ah. Kuku ayaa dhalay 160 caruura iyo 203 Caruura uu Awoow u yahay isagoo ninkaasi naftiisa u Bixiyey inuu yahay ninka Haysta Qiyaasta guurka,
 
Kuku ayaa mar uu ka waramayay naftiisa sheegay inayba isaga qaar dumarkaa kamida ay ka dalbadeen inuu guursado Dabeecadiisa oo aad u wanaagsanayd awgeed, Ninkan ayaa hore u sheegay inuu yahay ninka ugu guurka badan dalka Kenya iyadoo laga yaabo inuu yahay ninka ugu guurka badnaa qaarada Africa iyo Caalamkaba,
 
Kuku ayaa ku geeriyooday shalay dalka Kenya isagoo jira 93 SanadoodNinkan ayaa haweenka badan ee uu Qabo dhowr jeer muran ka dhalisay Baarlamaanka dalka Kenya iyadoo dalka Kenya ay Mamnuuc ka yihiin Dumarka badan ee lawada guursado ilaa dadka Muslimka ah mooyaane oo iyaga afar loo ogol yahay dalka Kenya,
 
Kuku ayaa guursaday xaaskiisii ugu horeysay oo lagu magacaabi jirey Dina sanadkii 1939 isagoo xiligaa ahaa 20 jir. Kuku ayaa guursaday xaaskiisii ugu danbeysey oo lagu magacaabi jirey Josephine sanadkii 1992 xiligaa oo uu ahaa 76 jir,Josephine oo ahayd gabadhii ugu danbeysay ee uu guursado ayaa noqotay tii soo af jartay haweenkii badnaa ee uu ninkaasi guursan jirey kadib markii uu la kulmay xanuun iyo tamar yaraan badan iyadoo ninkaa uu ku dhacay xanuunka macaanku,
 
Kuku ayaa iminka markii uu dhintay waxa uu qabay 46 dumar ah iyo 36 dumara oo uu furay iyagoo dhamaantood kuwada nool tuulo uu isagu sameystay intii dhimatay marka laga Reebo,
 
Osantos Akuku Teger ayaa iyadoo ay isku noqonayaan xaasaskiisa iyo caruurta uu dhalay iyo kuwa uu Awoowga u yahay in kabadan 400 ayaa waxay ku kaliftay inuu u sameeyo magaalo gooni ah isagoo sameystay tuulo lagu magacaabo  Karoonju oo kamida Magaalada Nyanza oo ku taala Galbeedka Dalka Kenya, Kuku ayaa sidoo kale sameeyey sanadkii 1970 iskuul u gaar ah oo ay dhigtaan caruurtiisa iyo kuwa uu Awoowga u yahay isagoo ugu tallo galay inuu u hello waxbarasho bilaasha maadaama ay iyaguba aad u badan yihiin, Ninkan ayaa sidoo kale Reerkiisan oo qabiil dhan noqday u sameeyey Kaniisad ay ku cibaadeystaan, Ninkan ayaa sameyn jirey Baay ac-mushtaro kala duwan isagoo leh beer taas oo ay kala shaqeyn jireen Caruurtiisa iyo kuwa uu Awoowga u yahay,
 
Kuku ayaa la sheegay Tuuladiisa inay aad u daneeyaan Siyaasiyiintu iyagoo ku xisaabtama codka Qabiilkaa dhan ee uu hor kacayo ee uu isagu dhalay iyadoo marka la isku wada daro dadkuu dhalay iyo xaasaskiisu ay soo saari karaan siyaasi ku fadhiista kursiga Baarlamaaka Degmeda, Siyaasiyiinta Ninkaa saaxiibka la ahayd ilaa mudo dheer ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen: Oginga Odinga ku xigeenkii hore ee madax weynaha (former vice president) &  Reysal wasaaraha iminka ee Kenya  Raila Odinga, & Tom Mboya oo isna ahaa ku xigeenkii hore ee madax weynaha (former Vice President of Kenya),,
 
 
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN

0 comments:

Post a Comment