Saturday, October 23, 2010

Markab U Rarnaa Ganacsato Reer Somaliland Oo Maanta Ku Degay Badda Khaliijka

 

Dubai (burcotoday)- Markab u soo rarnaa ganacsato reer Somaliland oo ka soo shiraacday dekadda Xamariya ee waddanka Dubai, ayaa maanta ku degay meel ka tirsan xeebaha dalka Khaliijka.



Waxaana sidan laga soo xigtay Ciidamada badda ee dalka Cummaan. Markabkan oo lagu magacaabo Barmaati, isla markaana aan illaa hadda la garayn sababta keentay degitaankiisa, ayaa haddana waxaa loo aanaynayaa degitaankiisa cillad ku timi qaybo ka mid ah Markabka.



Markabkan oo u rarnaa ganacsato reer Somaliland, ayaa lagu qiyaasayaa hantida saarnayd lacag ku dhaw ilaa laba milyan oo doolar, isla markaana waxa ay wararku sheegayaan in marka saddex bilood ka hor rarkiisa la dhammeeyey, balse muran xagga lacagta ahi sababtay inuu muddo ku xannibnaado dekadda laga soo raray ee Xamariya oo ku taala dalka Dubai.

0 comments:

Post a Comment