Sunday, October 10, 2010

Adeeg Xawaladeed Casriya Oo Maanta Hargeysa Laga Furey{Qaran/Zaad}

 

Hargeysa(burcotoday)-Shirkada telefoonada ee TELESOM iyo shirkada xawilaada lacagta ee QARAN, ayaa munaasibad balaadhan ooMaanta  ay ku qabteen Hargeysa si rasmi ah ugu furay adeeg cusub oo ay ugu magac dareen Qaran/zaad, kaas oo sahlaya in dadka wadamada dibada ku nooli ay dadkooda gudaha jooga ay biilasha ugu soo diraan Mobile-kooda gacanta.
Adeegan labada shirkadood iska kaashadeen oo ah adeeg casri ah ayaa masuuliyiinta labada dhinac waxa ay ku sheegeen in marka qof dibada joogaa uu yimaado xafiiska qaran ee deegaankiisa, lacagtii uu diray isaga oo aan xafiiska ka bixin ay gaadhayso qofkii uu u diray.
Munaasibada lagu furay adeegan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sar sare oo xukuumada iyo xisbiyadda siyaasada ah ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka shirkada telefoonada ee Telesom Mr Maxamuud Xaaji Aaden Xadeed, waxaanu faahfaahin ka bixiyay adeegan cusub ee labada shirkadood iska kaashadeen oo uu ku macneeyay inuu yahay mid wax badan ka badalaya nidaamka adeegyada xawilaadaha dalka gaar ahaan Qaran, isla-markaana uu yahay mid wakhtiga helida lacagta lagu soo diraa ay tahay mid qofku ku helayo wax daqiiqad la yar.

Masuulkan waxa uu sheegay in Telesom ahaan ay leeyihiin oo kaliya awooda isgaadhiinta, sidaa daradeed ay guud ahaan shirkadaha kale ee xawilada lacagta ka shaqeeya ay ku soo dhawaynayaan, si dadka ganacsatada ahi isku kaashadaan oo dalka horumar loo gaadhsiiyo iyadda oo gacmaha la iswada haysto.
Guddoomiye ku xigeenka TelesomMr Xadeed, waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeega Zaad oo uu sheegay in markii la aasaasay aanay dadku wada fahamsanayn, balse hadda shacabku si fiican u garan karaan anficiisa iyo faa’idada ku jirta.
Guddoomiye ku xigeenka shirkada Qaranka Mr Maxamed Axmed Liibaan, oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa soo kordhay waa adeeguii Zaad oo caalami ah.”
Masuulkan waxa uu ku faanay in qaran ay tahay shirkadii ugu horeysay ee ku shaqaysa nidaamka xawilaada ah ee ONILINE-ka, taas oo uu sheegay in hadda xawaaladaha dalku ku wada shaqeeyaan “sidoo kale Qaran waxa ay noqotay shirkadii ugu horeysay ee lacag telefoon dibada kaga soo dirta.” Ayuu yidhi, isaga oo ku dheeraaday faa’idooyinka ku jira adeegan.

Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md Cabdirisaaq khaliif iyo Cabdirisaaq Ibraahim, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa adeegan aad u amaanay iyagga oo tilmaamay inuu wax badan ka tarayo ganacsiga iyo wax is tarta bulshada reer Somaliland.
Labadan masuul ayaa sidoo kale waxa ay iska daba mareen isla-makaana ay ka digeen in adeegani aanu dhibaato u gaysan shaqaalaha shirkadaha ka hawl-galla, iyagga oo kula dardaarmay masuuliyiinta labada shirkadood inay dib u tababaraan shaqaalahooda.
Munaasibada oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Madaxwayne kyu xigeenkii hore ee Somaliland oo isaga isla Maanta  munaasibada dhexdeeda loogu sameeyay adeega Zaad, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md Aaden Maxamed Mire Waqaf iyo xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md Kayse Xasn Cigge, waxayna dhammaantood wax ka tilmaameen faa’idooyinka dadka ugu jira adeegan cusub ee ay soo bandhigeen labada shirkadood.
Ugu dambayn munaasibada oo uu ka hadlay Guddoomiyaha ururka shirladaha Isgaadhsiinta Somaliland Eng Yuusuf Axmed Yaasiinwaxa si cadaan ah loogu soo bandhigay lacag dibada lagaga soo diray adeegan cusub ee Qaran/zaad, kaas oo lagu tijaabiyay wariyayaal iyo masuulyiin uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkiii hore ee dalka Md Yaasiin oo Mobile-kiisa lacag aan qadarkeeda la sheegin loogu soo shubay.




0 comments:

Post a Comment