Monday, October 11, 2010

Abwaan Abshir Bacadle Oo Ku Geeriyoodau Laguna Aasay Muqdisho

 

Muqdisho (burcotoday)- Allaha u Naxariistee Waxaa habeen hore  Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Abwaan Abshir Nuur Faarax(Bacadle) oo Maalmo Yar la Il Darnaa Xanuun Lasoo Dersay.
Abshir Bacadle oo ka Mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed oo Soo Shaac Baxay Xilliyadii Dagaalada Sokeeye Ayaa lagu Xusuustaa Suugaan kala duwan oo uu Tiriyayay Xiliyadaas iyo kuwo ku Saabsanaa Dhinaca Bulshada.
Abwaanka oo Mihnadiisu ay ahayd Ganasade ayaa lagu Xusuustaa Gabaygii Caanka ahaa ee QAADOOW ADIGAA LEH,iyo Shiribyo uu ku Taageerayay Jabhaddii Jen.Ceydiid ee  USC/SNA oo Dagaalo la gashay Xoogagii UNITAF, UNISOM iyo Taageeyashii Cali Mahdi
Sidoo kale Abwaanka Ayaa Suugaantiisa Kaga Qeybqaatay Dagaaladii Al-itixaad ay la Galeen Maamulkii Puntland iyo Ciidamadii Itoopiya iyo Xukuumaddii Col.C/laahi Yuusuf,Balse Mudadaa ka dib u Wareegay Dhinaca Abaabulka Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee ku  Nool Dibadaha Oo Dhaqaalaha laga soo Uruuriyo Qeybo ka Mid ah loo Qeybin Jiray Dadka Tabaaleeysan.
Gebagebadii Abshir Bacadle oo 65 jir ahaa ayaa lagu Xasuusan Doonaa Qof Walba waxa uu kaga Tago Bulshada Xumaan iyo Samaan taaso  ay Xusi Doonta Taariiqda.

0 comments:

Post a Comment