Saturday, October 30, 2010

Bandhig Faneedkii Somali- Week Ee Xalay Ka Dhacay Magaalada London Oo Lagaga Hadlaayey arimaha mustaqbalka dhaw ee Soomaaliland.

London(burcotoday)-Bandhig faneedka Soomaalida ee maalmahanba ka socdey bariga magaalada London ayaa xalayto waxa uu ku saabsanaa dhinaca siyaasada Soomaaliland iyo mustaqbalka dhow Somaliland: What next?,waxaana kasoo qayb galay dadweyne aad u farabadan oo siyaasada Somaliland aad u xiiseeya.

Madaxda Ingiriiska ah ee madasha joogtay oo ahaa kuwa had iyo jeer u ololeeya qadiyada Soomaaliland ayaa waxa ka mid ah DR Anna Lindsey oo ah macalimad wax ka dhigta jaamacad ku taala dalkan Ingiriiska ,ayaa madasha kasoo jeedisay hadalo  aad u muhiima oo dhinacyo badan taabanaya,sida ganacsiga iyo horumarka dalkan,Waxa kale oo ay sheegtay in dadka qurba jooga ahi ay wax weyn ka bedeli karaan noloshooda,
Dr Mickael Walls, waa khabiir ku takhakhusay arimaha geeska Afrika, sidaaa si leegna ah saxiib reer Somaliland leedahay,had iyo jeerna u lafa xayta arimaha Somaliland.Waxa nuxurka hadalkiisa ka mid ahaa in Somaliland ay horumar la taaban karo sameysay oo dhinacwalba leh,haday noqoto mid siyaasadeed iyo mid ganacsi,iyo mid nabad galyoba,isagoo weliba sheegay in hadii la doonaayo in ganacsatada waweyn ee aduunka ay Soomaaliland maalgashadaan ay muhiim tahay in amaankeda la siku haleyn karo. Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliland ay u bahan tahay in ay marka hore intaan ictiraaf la gaadhin loo ogolaado sidii ay mucaawanadeeda iyo wixii khusaaya si toosa loogu soo mariyo.

John Hill,oo isna ah nin ganacsade ah oo dhawaan booqasho ku tagay Soomaaliland uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Soomaaliland booqasho ku tago oo uuna wax aqoona u lahayn Soomaaliland, lakiin uu soo arkay dal dhisan  si weyna loogu soo dhaweyey Soomaaliland,uuna la kulmay Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Siilaanyo iyo qar ma mid ah dawladiisa.
Waxa isna madasha joogay Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo uu dhawaan Madaxweynaha Soomaliland uu u magacaabay lataliyaha maxadweynaha ee arimaha caalamiga iyo aqoonsiga Soomaaliland.Waxa uu si wanagsan uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Soomaaliland oo martay iyo doorashadii ugu danbeysay ee inoogu dhacdey sida wanaagsan,waxa kale oo uu dawlada Ingiriiska u sheegay in markii ay Soomaaliland jogeen ee ay la dagaalamayeen cadowgooda aanu caawin jirnay,iyaguna waa dawlada Ingiriiskee ay marka aanu ku nidhahno ictiraafka nala raadiya ay nagu yidhahdaan,horta dawladaha Afrika kasoo dhameysta,waxa kale oo uu carabaabay in haweenka reer Soomaaliland ay yihiin lafdhabarta dalka ayna ku leeyihiin dawlada cusub laba wasiir.

Markii danbe waxa dadkii meesha joogay ay su’aalo weydiiyeen madaxdii Igiriiska ee meesha joogtay,iyaga oo si wanagsan uga jawaabay kuna dhamaatey jawi qurux badan .
Xamse Ahmed Salaan
London
Hamse100@gmail.com





0 comments:

Post a Comment