Tuesday, October 5, 2010

Rag Looga Shakiyay Argagaxiso oo Lagu Qabtay Tuulada Boodhley

Burco(burcotoday)-Tuulada Boodhley  oo 40km dhanka Woqooyi bari kaga began magaalo madaxda Goboka Togdheer Burco ayaa lagu qabtay 3nin oo looga shakiyay inay ku lugleeyihiin hawlo argagxiso.
 Ragani la qabtay ayaa tiro ahaan dhamaa 3nin oo asla haan ka soo jeeda dadka dega gobolkani Togdheer wayaabaha  ragani  lagu qabtay ee ay siteen ayaa waxaa ka mid ah hub iyo cunto la quudankaro mudo maalmo ah oo bisil kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Kaluun iyo cuntooyin kale oo badan.
 Dadka tuuladan qabatay ragani ku dhaqan ayaa sheegay in waqti yar ka hor intii aanay soo gaadhin magaalada ay lasoo xidhiidheen dadka deegaanka Booramo ku dhaqan kuwaasi oo u sheegay in rag ay ka shakeeyeen ay soo dhaafeen una soo jeedaan magaaladooda intaas ka dib markii ay ragani soo gaadheen magaaladaasi ayaa dadka deegaanku soo dhaweyeen iyaga  oo halkaasi shaah iyo waxyaabo kaleba ku marti sooray
Balse waqti ka yar ka dib ayaa ciidan ay diyaariyeen dadka deegaanku oo hubaysani ay isku gadaameen ragaasi iyaga oo isla waqtigaab la xidhiidhay ciidamada Booiska gobolka Togdheer  oo iyaga ay ku wareejiyeen 3daasi nin  haatana ay hawlahooda baadhitaan ka socdaan magaalada Burco.
 Geesta kale hogaanka Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer oo arintaasi ayaan iyagu weli aqrintaasi ka hadlin balse ku mashquulan hawlo badhitaan .
 Maaha marfkii ugu horaysay ee ee dadka deegamada miyigu ay qabtaan dad looga shakiyay inay ku lugleeyihiin argagxiso balse waxa ay had jeer dhegtu taagantahay dadka deegamadaasi kal duwan kuwaasi oo marwalba diyaar u ah inay Somaliland ka badbaadiyaan khatar kasta oo cadawgu soo maleego.
 Ugu danbaytii arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dhawaan uu magaalada Burco dhexdeeda ka baxsaday gacanta ciidamada Booliska nin sitay shandad Huba kaas oo baxsaday ka dib markii ay ciidanka boolisku kaa gaabiyeen inay hawshooda si xilkasnimo ah u gutaan.

0 comments:

Post a Comment