Saturday, October 9, 2010

ururka Daalibaan Ee Dalka Pakistan Ayaa saaka Ku Gubay Dalkaa 30 Gaadhi oo Shiddaal u Siday Ciidamada NATO Ee Ku Suggan Dalka Afghanistan

PAKISTAN(burcotoday)- Mas,uul u hadlay xukuumada Pakistan ayaa sheegay in Saaka ay koox dabley ah ay gubeen 30 gaadhi oo shidaal u siday ciidamada NATO ee ku sugan dalka Afganistan, Weerarkan ayaa imanaya laba maalmood uun kadib markii dowlada Mareykanku ay ka Raalli galisay dalka Pakistan Weerarkii ay diyaaradaha Mareykanku ku qaadeen dalka Pakistan oo ay ku dhinteen laba Askari oo kamida ciidamada Dalka Pakistan,

Kooxaha islaamiyiinta ah ee Reer Pakistan ayaa bartilmaamsanayey gawaadhida shidaalka u sida ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan dalka Afganistan kadib markii diyaaradaha dagaalka ee aan ciddi wadin ee Mareykanku ay duqeeyeen goobaha ay kooxahaasi ku sugan yihiin ee dalka Pakistan,

mas,uul u hadlay saaka Xukuumada Pakistan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in 20 nin oo hubaysan ay weerar ku qaadeen Saaka salaadii subax gawaadhidaa shidaalka u siday dalka Afganistan, Mas,uulkan ayaa sheegay in kooxdaa Hubaysan ay Rasaas ku fureen gawaadhidaa oo hor taagan Hudheel ay wax ka cunayeen Darawaladii waday. Nimankaa hubeysan ayaa markii danbe ku dhuftay Gantaalo yar yar baabuurtaa iyagoo halkaa ku gubay gawaadhidaa iyo shidaal badan oo u socday ciidamada NATO ee ku sugan dalka Afganistan, Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee baabuurtaa shidaalka lagu gubbo mudo bil gudaheed ah kadib markii Ururka Daalibaan ee dalka Pakistan ay gubeen bishii hore 25 gaadhi oo shidaal u siday Ciidamada shisheeye ee uu hor kacayo Mareykanku,

Dhinaca kalle waxaa maanta ku dhintay dalka Afganistan Afar askari oo Talyaani ah kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada daalibaan Ciidamada Talyaaniga ee ku sugan dalka Afganistan,

0 comments:

Post a Comment