Wednesday, October 27, 2010

Markiib-dagaal Oo Ingiriisku Leeyahay Oo Maanta Ku Soo Xidhey Dekeda Berbera.

Berbera (burcotoday)- Maraakiib-dagaal oo ah nooca  waa-weyn ee diyaaraduhu ka duulayaan oo uu leeyahay Dalka Ingiriisku, ayaa maanta si lama filaan ah ugu soo xidhee meel u dhaw  Dekeda magaalada Berbera.

Sida ay dad goob joog ahi xaqiijiyeen waxa ay maraakiibtaasi joogaan meel u dhaw marsadaay ku xidhaan maraakiibtu, waxaana ka dul haadaya diyaarado Helicapter ah oo fadhiistay Madaarka Berbera iyo gudaha Dekedda, sidoo kale waxa iyana ka soo degay maraakiibtaasi laashash kale oo iyana ku soo xidhay dekedda.

Ilaa hada ciddamadaasi kama ay hadal xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku toona, lamina garanayo ujeedada dhabta ah ee ay u yimaadeen, balse waxa ay u egtahay sida ay dadka goob jooga u ah dhacdadaasi sheegayaan inay yihiin Ciidamo badan oo wada hawlgalo baadhis iyo sahamin ah isugu jira.

Saraakiishii la socotay maraakiibtaas iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil gaar ahaan saraakiisha Ciidanka Badda ee Somalilanbd oo halkaas kulan ku dhex-maray, ayaan illaa hadda si rasmi ah loo ogayn waxay kawada hadleen.

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

0 comments:

Post a Comment