Wednesday, October 27, 2010

Sheekh Saqar Bin Maxamed oo Ahaa Xaakimkii Ras Al- Khiima oo Maanta Geeriyooday & Wiilashiisa oo Xukunka Midba Gooni u Sheegtay

RAS AL-KHIIMA(OODWEYNENEWS)- Dalka Imaaraadka waxaa maanta ku geeriyooday Xaakimkii magaalada ama gobolka Ras Al-Khiima Sheekh Saqar Bin Maxamed Al – Qaasimi oo xukumayey magaalaadaa ilaa sanadkii 1948, Sheekh Saqar oo maata subaxnimadii geeriyooday ayaa ku dhintay 92 jir,

Madax weynaha dalka Imarateka Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al – Nahyaan ayaa tacsi u diray shacabka Imaaraadka iyop qoyska uu ka geeriyooday marxuumku, Madax weynaha Imaratka ayaa sheegay in dalkaa la fasixi doono mudo Todobaad ah calanak dalkaana hoos loo dhigi doono mudadaa,
Sheekh Saqar Bin Maxamed Al -Qaasimi ayaa ahaa Raggii Asaasay Dalka Imarate-ka carabta ee midoobay isagoo ahaa nin qeyb weyn kasoo qaatay dalkaa oo ka kooban Todoba gobol oo isku darsaday sidii ay u midoobi lahaayeen isla markaana ay u sameysan lahaayeen dowlada Federaal ah, Sheekh Saqar ayaa isagu xaakim ka ahaa gobolka Ras Al- Khiima oo isagu dhaqaale ahaan ka yar marka loo Eego Gobolada Abu Dhabi IYO Dubai & Shaariqa,
Jagadan uu ka dhintay Sheekh Saqar ayaa loo magacaabay Wiilkiisa Sheekh Sacuud Bin Saqar oo ahaa dhaxal sugaha jagada Xaakimka ee gobolka Ras Al -Khiima, Laakiin Dhinaca kalle Sheekh Khalid Bin Saqar oo ah wiilka ugu weyn ee uu dhalay sheekha dhintay oo 67 jir ah ayaa sheegay inuu isaagu yahay Xaakimka sharciga ah ee gobolka Ras Al- Khiima, Sheekh Khaalid ayaa ahaan jiray wixii ka horeeyey sanadkii 2003 dhaxal sugaha gobolkaa laakiin sheekha iminka dhintay ayaa ku bedelay walaalkii oo ka yar oo ah Sheekh Sacuud kadib markii ninka weyn ee Sheekh Khaalid uu inta badan isaaga maqnaaan jirey dalka Dibadiisa. Halka ninka yaar uu ka shaqeyn jirey horumarka gobolkaa ,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment