Tuesday, October 5, 2010

Shirkada Isgaadhsiinta Ee Nation Link Oo Xarun CusubKa Furatay Badhtamaha Hargeysa + SAWIRO

 

Hargeysa (burcotoday)-  Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nationlink, ayaa maanta xarun cusub oo muhiim ah ka furatay badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka Khayriyadii hore.

Xafladii furitaanka xaruntaas oo lagu qabtay isla xatunta, ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha guud ee wasaarada Boostaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori, Gudoomiyaha ururka Isgaadshiinta Somalililand Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi, Madaxda Nationalink, Culimo Aw Diin, Ganacsato iyo martisharaf kale.

Ugu horayn madaxa suuq-geynta ee shirkada Nationlink Maxamuud Maxamed Caare oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xaruntan cusub u fureen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen adeegga isgaadhsiineed ee ay bulshada u hayaan, isla markaana ay noqon lahayd meel dadka oo dhami wada iman karayaan.
Waxa kale oo uu xusay inay shirkad ahaan xooga saarayaan sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqabtiri lahaayeen adeegga Tefoonnada, Internet-ka, isaga oo xusay in shirkada Nationlink ay dadweynaha aad ugu naxariisado, “Shirkad ahaan mar kasta waxa aanu ku dadaalnaa sidii aanu bulshada uga iibin lahayd adeeg hufan oo jaban, Waxaana qofku halka doolar uu dibada kula hadli karaa toban daqiiqadood, halka shirkadaha kale ay shan daqiiqadood ka yihiin. Taasina waa fursad qaaliya oo aanu dadweynaha u soo kordhinay.” Ayuu yidhi Maxamuud Maxamed Caare.

Waxa uu sheegay inay 11 xarumood oo kale ay ka fureen meelo badan oo Somaliland ka mid ah, hasayeeshee aanay weli adeegooda ka hirgelin goboladda galbeedka shishe ee Somaliland sida Zaylac iyo Lughaya, isla markaana ay ku talo-jiraan inay deegaanadaas ay dhawaan ka hawl-geli doonaan.
Maxamuud Maxamed Caare waxa uu tilmaamay inay hawl-wadeenadii ay shirkadu u dirtay Gobolada bariga Somaliland in la af-duubay, isla markaana ay filayaan in la soo dayn doono oo ay waan-waani socoto.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Boostaha iyo isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shirkada Nationlink ku bogaadiyey adeegga isgaadhsiinta ee ay Somaliland u hayaan, isaga oo ilaahay uga baryey inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen.
Agaasimuhu waxa uu aad uga dayriyey halista caafimaad iyo nabadgelyo ee ay keeni karaan shirkadaha faraha badan ee Isgaadhsiintu haddii aan la nidaamin oo aan loo samayn sharcigii hagi lahaa, isaga oo sheegay inay Wasaarad ahaan diyaariyeen xeerkii Isgaadshiinta Somaliland ay filayaan-na in Golaha Wakiiladu ansixin doonaan.

Gudoomiyaha ururka Isgaadsiinta Somaliland Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi oo isaguna halkaa hadal koonan ka soo jeediyey, ayaa xusay inay shirkada Nationlink ay ka soo jeedo shirkad taariikh weyn ku leh Somaliland, isla markaana ay door weyn kaga jirto bixinta adeegyada kala duwan ee isgaadhsiinta.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay madaxa shaqaalaha ee Nationlink Cali Cabdilaahi Wacays, oo sheegay in shirkada Nationlink ay ku hawla tahay sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqab-tiri lahaayeen dhammaan adeegyada isgaadhsiinta ee lagama maar maanka ah, isaga oo xusay inay shirkada ka shaqeeyaan dad shaqadoodu aad u hufan tahay.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Sheekh Ciise Maxamuud iyo Daahir Xaaji Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada Somaliland, oo iyaguna sheegay inay xaruntani door weyn ka qaadan doonto fidinta adeegga shirkada, isla markaana waxa ay ilaahay uga baryeen inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen.



0 comments:

Post a Comment