Sunday, October 24, 2010

Gaadhi Qaadkii Shirkada 571 ee Burco Qaadka u Siday oo Maanta Ku Dhacay Duleedka Magaalada Sababayna Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba Leh‏

 Gaadhi Qaadkii Shirkada 571 ee Burco Qaadka u Siday oo Maanta Ku Dhacay Duleedka Magaalada Sababayna Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba Leh‏

BURCO(OODWEYNENEWS)- waxaa maanta ku gadoomay Tuulada Galoolay oo qiyaas ahaan dhanka Woqooyi ka xigta   Magaalada Burco 15km, Gaadhigii Qaadka ee shirkada 571 kaas oo ay ku dhinteen 2qof oo midi yahay darawalkii Gaadhigaasi  halaka laba Kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay ay xiligani xuntahay.

shilkani naxdinta lehayaa ka dhashay sida la sheegay ka dib markii gaadhiga qaadku uu isku dayay inuu dhaafo gaadhi iskorogo ahaa oo wadad markaasii iayana ku soo jirtay taasina ay keentay in inuu gaadhigu wadada ka baxo oo uu halkaasi ku gadoomo.
Baabuurta Qaadka qaada ayaa inta badan ku socda xawaare aad u diran kuwaasi oo ku soo degdega sidii ay magaalada Qaaska u soo galinlahaayeen taasi oo ka mid ah suuqgaymaha qaadku leeyahay sida ay hadba magaalada ugu soo kala horeeyaan ee loogu jabananayn lahaa.
Hadaba labada marxuun ee Maanta Ku dhintay shilkani ayaa lakala odhanjiray Mustafe Maxamuud Cawad (Cagaf) iyo Maxamed Cabdi (Liyo).
Maaha Mrkii Ugu horaysay ee Shil Noocani oo kale ahi uu ku yimaado Shirkada Qaadka ee 571 balse dhawr jeer oo hore ayaa shilal Noocan oo kale ahi ay ku yimaadeen Baabuurta Qaadka Jidka u dhexeeya Burco iyo Hargeysa kuwaasi oo ay ku dhintaan Dad badani kuwo kalena ay ku dhaawacmaan.
Ugu Danbattiina Aaska labadan Marxuun oo maanta Gelinkii Danbe lagu aasay magaalada Burco ayaa waxaa ka qaybgalay boqolal ka Tirsan Dadweynaha Magaalada Burco.

0 comments:

Post a Comment