Xuseen Cali Ducaale, oo caawa u waramayay Weriyaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaag News, wuxuu tafaasiil ka bixiyay qaabkii uu dilkaasi u dhacay waxaanu yidhi “Saaka Abbaaro 8:30 Subaxnimo ayaa gurigayga waxa hortiisa yimid Baabuur yar oo ah nooca Granda ee Indha-caddaha loo yaqaano sadex nin oo saarnaa gaadhigaasi waxa ka dagay laba oo midi gurigayga ayuu gudaha u soo galay, kii labaadna wuxuu daba taagnaa gaadhiga kii sadexaadna darawalkii ayuu ahaa oo Gaadhiga kama uu soodegin. Ninkii gurigayga soo galay yarkii askariga ahaa ee gurigayga ilaalinayay ayaa hor joogsaday ka dibna ninkii askarigaygii ayuu baastoolad uu sitay xabad ku dhuftay sidaasi ayaanu ilaahay ha u naxariistee ku geeriyooday, nimankiina sidaasi ayay ku baxsadeen ooillaa imika lama hayo.”
Wasiirkii hore ee maaliyada oo aanu weydiinay in la garanayo nimanka askariga dilay waxaanu yidhi “Waa la garanayaa oo waxa ciidanka CID-da oo guriga iigu timid oo wax naga qorqorayay waxay nagu yidhaahdeen ninka askariga dilay waa askari ka tirsan ciidanka CID-da. Wali lama  hayo ee waxa la sheegay inay sadexdii ninba iyo gaadhigoodiiba ay ku dhuumanayaan magaalada Hargeysa dhexdeeda.”
Cawil Cali Ducaale, wuxuu sheegay in askarigii geeriyooday ay qoyskoodii codsadeen in aan laga aasin waxaanu tilmaamay in maydkii uu yaallo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaanu intaasi ku daray inay aasi doonaan marka ay u yimaadaan qaar ka mid ah qoyskiisii.
Wasiirkii hore oo aan weydiinay inuu masuuliyiinta xukuumada cusub la socodsiiyay dhacdadan iyo inay u yimaadeen waxaanu yidhi “Anagu barrigii aanu dawlada ahayn marka arrintaasi oo kale dhacdo Xukuumaddu way tagi jirtay goobtaasi oo kale sida Golaha Wasiirada oo dhan oo uu horkacayo Wasiirka Daakhiligu, cid allaale cid ila soo hadashay ama noo timid oo xukuumada masuuliyiintooda ka mid ahi ma jirto.
Md. Cawil, oo ka jawaabay su’aal ahayd inay wax dhex mareen iyo in kale ninkan la dilay iyo sadexdaas nin wuxuu yidhi “Wax allaale iyo wax ka dhaxeeyay may jirin waliba ninkani wuxuu ahaa nin askari ah oo edaab badan Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee.”
“Dadka waxay igu yidhaahdeen nimankani Aniga (Cawil) ayay ii socdeen hase yeeshee askariga ayaa u diiday inay galaan qolkii aan ku jiray,  dad badan oo asxaabtayda ah ayaa sidaasi qaba,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyaddu Md. Xuseen Cali Ducaale.
Waxa kale, oo uu Md.Cawil  xaqiijiyay in ninka dilkan geystay uu hore uga mid ahaan jiray ilaaladiisa hase yeeshee uu sanad iyo badh ka hor ka tagay.