Monday, October 4, 2010

Osama Binladin oo Soo Diray Fariin Cusub Kana Hadalay Arimo Aan Hore Looga Baran

Osama Binladin oo Soo Diray Fariin Cusub Kana Hadalay Arimo Aan Hore Looga Baran

Afghanistan (burcotoday)- Hogaamiya shabakada alqaacida osama Binladin ayaa soo diray fariin cusub taas oo uu kaga hadalay armi aan jore looga baran oo ay ka mid yihiin isbadalka cimlada aduunka iyo in la gargaaro dadka ku tabaaloobay daadkii xooganaa eeka dhacay wadanka Pakistan.
Hogaamiya al Qaacida oo hore caan ugu ahaa in fariimaha uu soo diro in uu kaga hadlo hawlaha la xidhiidha dagaalda ay shabaladiisu ku lug leedahay ee ka socda dacalada dunida ayaa marakan soo diray fariin kaduwan kii hore.
Fariintan oo u muuqatay in uu Osama Biladin ku muujinayo naxariis uu u hayo dayowga ku tabaaloobay daadkii ka dhacay wadanka Pakistan daad  kaas oo bara- kiciyey ku dhawaad 25milyan oo reer Pakistan.
Waxaanuu Osama baaqiisan u diray  dhamaan bulshada islaamka isagoo bar tilmaamed saday  wadamada Turkiga iyo Maleesiya, Si gaar ah na waxa uu Biladin baaqiisa u diray wadamada Carabata ee qaniga ah ku waas oo uu ugu baaqay in ay door shriif  ah  ka qaataan mucaawina u gaysataan dadka ku tabalaysan Pakistan.
Arinta kale uu u ka hadlay hogaamiyah shabakada al Qaacida waxay ahayd isbadalka cimilda aduunka, waxnuu sheegay in isbadalka cimilada aduunku uu yahay mashruuc ay wadamada reer galbeedku ku curyaaminayaan wax soo sarka dhinaca warshadaha ee wadana soo koraya.
Fariinat uu soo diray Osama Binladin ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti uu filanayo osama in uu urukiisu gaadhay guulo waa weyn marka la eego armiha ka socda waqooyiga afrika halkaas oo 11 ruux oo u dhashay wadanka Faransiiska ay alqaacida maqrib al carabi, oo ah koox hoos tagta shabaka alqaacida ay qafaalasho ku haysato wada hadalna ay u socdaan kooxaas iyo dawlada Faransiiska.
Sdoo kalena wax xusid mudan in wada hadal dhexmaray kooxda alqaadida maqrib al carabi iyo dawlada Spain lagu sii daayey laba muwaadin uu u dhashay wadanka Spain ku was oo iyagana y qafalasho ku haysteen kooxdaasi.
Sidoo kalena fariitan cusub ee Biladin ayaaw  waxa ay ku soo beegantay walhi ay dawlaha Faransiiska iyi Garmalku aheegaan in ay fashiliyeen waararo la damacsanaa in laga fuliyo dalalkaas waaradaas oo loo tuhunsanahay Ururka Al Qaacdida.

0 comments:

Post a Comment