Wednesday, October 20, 2010

Dhacdooyinka Oodweynenews: Arooskii Ugu Da,da Yaraa Caalamka Kadib Markii Dalka Suuriya La Isugu Meheriyey Wiil Yar oo Shan Jir Ah & Inan Yar oo Sadex Jir Ah

 

SUURIYA(OODWEYNENEWS)- Dalka Suuriya ayaa waxaa ka dhacay Arooskii ugu da,da yaraa Caalmka kadib markii Magaalada Xumus  la isugu Meheriyey Wiil yar oo Shan jir ah iyo Inan yar oo Sadex jir ah, Caruurtan yar yar ee la isu meheriyey ayaa loogu sameeyey xaflad guriga Inanta Aroosada ah Reerkooda,

Wiilkan yar ee Shan jirka ah ee Arooska ah ayaa lagu magacaabaa Khaalid Jumca iyadoo Inanta Aroosada ah ee sadex Jirka ahna lagu magacaabo Halla Camaar,

Hadaba Hooyada dhashay wiilkan ayaa Jaraa,idka uga warantay waxa ku kalifay inay wiilkooda shan jirka ah ay u Doonaan gabadha Aroosada oo iyaduna Sadex jir ah, Hooyadan ayaa u sheegtay Bogga  Reverse Walking in wiilkaasi uu yahay ka kalliya ee ay Caruur ka haystaan iyadoo intaa ku dartay in wiilkaa ay dhashay kadib markii ay ninkeeda is qabeen 25 Sanadood iyagoo intaaba sugayey inuu illaahay Ubad siiyo, Laakiin Reerkaa ayaan waxaba isu dhalin mudo 25 Sanadood ah iyadoo wiilkaa illaahay siiyey,

Hooyadan ayaa sheegtay in Markii ay ilmahaa caloosha ku qaaday in Aabihii uu ballan ku qaaday in hadii uu Wiil noqdo ilmahaasi inuu gabadh u dooni doono markuu shan sanadood gaadho isla markaana uu u Aroosi doona marka uu 13 jir gaadho,

Hooyadan ayaa sheegtay in markii illaahay wiilkaa siiyey ee uu gaadhay shan sanadood inay go,aansadeen inay fulliyaan Ballantii Aabihii iyadoo sheegtay inay aad isu weydiiyeen Cidda ay uga dooni doonaan ee ka yeelli doonta maadaama uu wiilku yahay shan jir, Iyadoo sida caadiga ah wadamada carabta la isu doono wiilka iyo gabadha laakiin iyagoo intaa ka waaweyn. iyadoo labada qof marka la isu doono ay isa sugayaan illaa ay ka weynaadaan oo iskuulada ka dhameystaan halka qaarkoodna ayba isa sugaan ilaa ay jaamacad ka dhameynayaan,

Hooyadan ayaa sheegtay in maalin maalmaha kamida iyagoo ku sugan Xadiiqad ama Beeraha lagu nasto inay la kulmeen Reer ay qaraabo fog yihiin isla markaana wata Inan yar oo sadex jir ah, Hooyadan ayaa sheegtay inay Ayaamo kadib ay Reerkaa kusoo booqdeen gurigooda iyagoo uga sheekeeyey Qisadooda una sheegay inay ka doonayaan Inanta yar ee ay dhaleen,

Hooyadaa ayaa sheegtay inay Reerkaasi ka ogolaadeen Dalabkoodaa Iyadoo loo Sameeyey Xaflad isla markaana uu Wiilka Arooska ah uu u galiyey Aroosadiisa Fargalka Meherka ama Doonanaanta iyadoo Inantaa yar ee Aroosada ahna ay u galisay Khadiibkeeda oo ah Ninkeeda fargalka Doonanaanta,

Hooyada wiilkan yar dhashay ayaa sheegtay in Khaalid oo ah Wiilka Arooska ah uu Iskuulkiisii (Xanaanada) uu Tagey isagoo fargalkii masuuliyadu uu gacanta ugu xidhan yahay,
Dhinaca kalle Hooyada Inanta yar ee Aroosada ah dhashay ayaa iyaduna sheegtay inuu Wiilkaa yar ee Arooska ah uu Telefoonka kula soo hadlo isla markaana ay u dhiibaan xaaskiisa oo uu la hadlo,

Dadka Carabta ah oo yaqaana waxa la yidhaahdo isu doonanaanta oo Meher oo kale ah ayaa caruurta iyagoo yar yar isu calaamadiya iyadoo ay jirtay dalka Ciraaq Mudo hada sanad kasoo wareegtay in la isu guuriyey wiil yar oo 11 jir ah iyo gabadh yar oo 9 jir ah iyagoo Habeenkiina qol la isugu xareyn jirey maalintiina Ay leexada & Luufta ay kuwada ciyaari jireen guriga hortiisa iyadoo laga soo daayey xiligaa barnaamij ka bixi jiray Telefishinada carabta mid ka mida,





0 comments:

Post a Comment