Tuesday, October 12, 2010

Heeso Qoraala: Aduunyada ninkii dhoofiyo

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Qore Dhiiga
-----------

0 comments:

Post a Comment