Thursday, October 21, 2010

Shirkadaha Biyaha Iyo Bacaha Soo Saaraa Door-weyn Ha Ka Qaadaan Ololaha Nadaafada” Fariinta Qalinka + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Ololaha maalinta loo asteeyey nadaafada Qaranka Somaliland, ayaa lagu wadaa inuu berrito ka qabsoomo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Ololahan oo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo uu 3-dii September ee 2010-ka uu shaaciyey in 45-kii maalmood hal mar la qabanayo olole ballaadhan oo waddanka oo dhan lagaga uruurinayo qashinka, iyada oo markii ugu horaysay-na la fuliyey 5-tii September.

Hawl-galkan ololaha qashin uruurinta oo qayb weyn ka ah dadaalada loogu jiro cidhib-tirka xashiishka faraha badan ee buux-dhaafiyey meelo badan oo waddanka ka mid ah, ayaa shacabku si weyn u soo dhaweeyeen, isla markaana ay diyaar  yihiin inay kaalintooda ka qaataan.

Waxa kale oo door-weyn ka qaata hawl-gallada xoogan ee qashin-nadiifinta shirkadaha kala duwan ee waddanka ka jira, kuwaas oo siyaabo kala geddisan uga qayb-qaata.

Qashinka ugu fara badan ee waddanka laga uruuriyo waxa kaalinta kobaad kaga jira Bacaha iyo Caagadaha biyaha laga cabbo, oo aad looga isticmaalo waddanka gudihiisa, iyada oo marka dambena meesha la doono lagu daadiyo. Waana laba shay oo waddanka gudihiisa lagu soo saaro.

Shirkadaha soo saara Biyaha iyo Bacaha, ayaa ka gaabiyey inay waddanka ka hirgeliyaan dadaallo ay ku samaynayaan wax kasta oo lagaga hortegayo qashinka wax-soo-saarkooda, oo dhibaato weyn ku haya bilicda iyo deeganka Somaliland, inkasta oo ay kaalin weyn kaga jiraan horumarka waddanka.

Waxaana looga baahan yahay inay sameeyaan wacyi-gelinno la xidhiidha qaabka ay dadweynuhu ka yeelayaan caagadaha biyaha iyo bacaha ay isticmaalaan, isla markaana aanay meel kasta ku tuurin si aanay deegaanka wax-u-yeelin.

Isku soo wada-duuboo, Shirkadaha soo saara Biyaha iyo Bacaha waxa waajib gaar ahi ka saran yihiin gudasha ololaha nadaafada Qaranka ee berito la fulinayo, iyada oo ay la gudboon tahay inay diyaariyaan qalab iyo gaadiid u gaar ah oo ay kaga qayb-galaan olole kasta oo nadaafadeed, inay sidaa yeelaan-na waxa ku jirta dantooda iyo ta dalkaba.

Waxaana fariinta qalinku tahay “Shirkadaha Biyaha Iyo Bacaha Soo Saaraa Door-weyn Ha Ka Qaadaan Ololaha Nadaafada, haddii kale fiiro gaar ah ayaa loo yeelan doonaa.”











0 comments:

Post a Comment