Sunday, October 10, 2010

“48 sannadood ka hor baan ka tegay, anigoo laba todobaad wadanka joogana Wasiir baa la iga dhigay” Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha

 

Hargeysa (burcotoday)-  Waraysi Xiisa badan isla markaana dhinacyo badan taabanaya ayaa lalla yeeshay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, waxaanu Wasiirku waraysigaa ku sheegay in uu muddo 48 sano ah dalka ka maqnaa, wakhtigaa dheer ka dib isaga oo laba toddobaad waddanka ku sugnaa loo magacaabay xilka Wasiirnimo ee uu hadda ka hayo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo soo dhisay 27-kii July 2010.
Wasiirka oo shalay u waramay Cabdiqani Xuseen Baynax oo ka tirsan shabakadda wararka ee Somalilandpress, waxa uu ka hadlay qorshayaal ay ku horumarinayaan kalluumaysatada dalka, wuxuuna ka jawaabay waxa ka jira inuu aaminsan yahay mabda’a Soomaaliweyn, kana qaybgalay qaar ka mid ah shirarkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir, waxaad nooga warantaa muddadii koobnayd ee aad xilka haysay waxyaabihii kuu qabsoomay?
J: Walaal muddadii aan xilka hayey waa muddo gaaban, waana 2 bilood iyo dhawr cisho, intaana waxyaabo badan ayaa runtii noo qabsoomay, waxaana ka mid, waxaan ku jiray weftigii tegay Nairobi, waxaanu la tagnay mashaariicdii ay wasaaradu diyaarsatay iyo waxyaabaha aanu is lahayn mustaqbalka shanta sano ee soo socda aad qabataan, waananu hordhignay bulshada caalamka iyo deeqbixiyeyaasha. Markaa taasi waxqabad ayey noo ahayd, imikana iyagaa ayaa qoladii deeqbixiyeyaasha ahaa noo imanaya intaanay bishani dhamaan, si aanu arrintii u sii ambaqaadno, waayo qaybta Kalluumaysigu wuxuu ahaa qayb aan markii hore wax badan laga qaban, markaa muhimada ugu wayn waxaanu saarnay FAO oo ah hay’ada Cuntada adduunyada oo Kalluumasyigana shaqo ku leh oo aan mashruucii GNA-ga ee Somaliland waxba lagaga darin, imikana dib ayaanu arrintaa u galinay. Markaa mashruuc cusub iyo wixii aanu anagu gudbinay ayey bishan dhexdeeda noola imanayaan. Waxyaabaha kale ee aanu qabanay waxa ka mid ah iskaashatooyinkii ayaanu dib u habaynay, waxa kale oo ka mid qandaraasyadii hore wasaarada Kalluumaysiga ha ahaadaan shirkado shisheeye ama qaar gudaha ahba iyagana dib ayaanu u eegayno.
S: Waxaad tahay nin ku cusubb saaxada siyaasada Somaliland, markaa dadweynaha is waydiinaya waa kuma Maxamed Yaasiin isu sheeg?
J: Haa, waa runtaa waan ku cusubahay siyaasada Somaliland, Somaliland-na aniga oo inan yar ah ayaan ka tagay, markaa waqtigii aan ka tagay iyo imika waa 48 sano. 48 sano ka hor markaan ka tagay aniga oo 2 sano jir ah, anigoo laba todobaad jooga wadankana wasiir baa la iga dhigay, markaa waa runtaa saaxada waan ku cusubahay. Laakiin, wadanku waa wadankaygii oo markiiba waan iskala qabsaday. Dhibaatooyin fara badani way jiraan, culays fara badan oo siyaasiyan ama ijtimaaciyan kaaga hor imanayaa way jiraan, laakiin waa laga gudbi doonaa.
S: Waxa jira adiga iyo wasiirada Arrimaha dibada iyo Qorshayntu inaad tihiin xubnaha aqoonyahanka ku cusub siyaasada Somaliland ee qurba-jooga, haddana waxa la idinku dhaliilaa inay adag tahay inaad la qabsataan dhaqankii iyo wadcigii, markaa bal sidee baad ula jaanqaadeen arrimahaa?
J: Waa runtaa, Maxamed Cabdilaahi waa saaxiibkay, Sacad Cali Shire waa saaxiibkay, runtii anigu aad baan u nasiib fiicanahay inaan raggaas oo kale xukuumad kula jiro iyo ragga kale oo dhan waa rag fiican, dawladuna runtii waxaad moodaa inay kala badh tahay qurba-joog, dadkaasina waxay soo kordhinayaan waa khibrado, markaa dadka guddaha joogaana waa dadkii u soo jihaaday dalka ee u soo dhabar adaygay ee doorashooyinkii joogay. Laakiin, labadayada dhinacba waanu is buuxinaynaa, qolo xagii dibadii iyo xidhiidhkii iyo khibradihii dibada ayey ku fiican tahay, qolana guddihii, markaa aad baan ugu faraxsanahay. Qoladayadaa dibada ka timi waxaad moodaa inaanu aad ula soo qabsanayno, hadhawna markaad halkan la qabsato adigoo dibadii ka yimi, taas qudheedu waa dheeri.
S: Wasiir, haddii aad akhriday barnaamij siyaasadeedkii KULMIYE waxa ku jirtay in guddi loo samaynayo dekeda Berbera, taasoo maamuli doonta, haddana dekedii adiga oo wasiirkii ah ayey ku hoos timaadaa, arrintii guddidaas halkay ku dambaysay?
J: Anigu maan arag inay ku jirtay, laakiin hadday ku jirtayba anigaaba sameeyey guddidii, warqadiina waan u gudbiyey Madaxweynaha, markaa waxay ahaan doonaan guddi la taliya wasiirka oo kala taliya dekeddu siday u socon lahayd iyo dekedaha Somaliland, deked qudha oo wayn ayuun bay leenahay, laakiin dekedaha kalena waa inaynu kaabnaa. Haddii wax dhacaan inay dekedii inaga fadhiisato maaha, waa inaynu helnaa meelo kale oo wax inooga soo degaan. Guddidaa shaqadeedu waxay noqon doontaa la talin guud oo dhinaca dekedaha ah, markaa waxay noqon doonaan 7 qof oo aan anigu guddoomiye u ahay, waxa ka mid noqon doona wasiirka Gaashaandhiga oo ah khabiir xaga dekedaha ah, laba ganacsade oo ah qolooyinkan xoolaha ka ganacsada ah iyo laba ganacsade oo kale, guddidaas waxay noqon doonaan niman si mutadawacnimo ugu shaqeeya dalka.
S: Dhinaca Kallluumaysiga ma jiraan ilaa hadda kalluumaysatada ajaanibka ah ee la sheego inay xaalufiyeen baddaha Somaliland oo aad kala noqoteen ruqsadii?
J: Horta kuwaa ugumabaan iman anigu, markii dawladii hore ay xukunka nagu wareejinaysay waxa uu wasiirkii iga horeeyey igu yidhi ‘wax Markab ah oo badda ku jiraa ma jiraan,’ markaa maan fahmin siday wax u socdeen. Laakiin, imika waxa jira hal markab oo aanu ruqsad siinay oo ay dad muwaadiniin ahi leeyihiin, markabka marka ruqsada la siiyana nidaam ayuu ku dhaqmayaa, nidaamkaa haddaanu ku dhaqmina wax shaqaynaya maaha. Markabku marka uu badda galayo dekeda ayuu soo marayaa, waa la baadhayaa, waana la qiyaasayaa inta tan ee uu qaadi karo, waxaana la raacinayaa dad ka war haynaya nooca kalluunka uu qaadayo, markuu soo dhamaystana iskama dhoofayo ee waa inuu dekedii dib ugu soo noqdaa oo la eegaa wuxuu sido marka la hubiyo waan cashuurtii laga qaadaa, intaa ka dib ayuu iib gayn karayaa, markaa wixii hore ee qandaraas dhacayna dib ayaanu ugu noqonaynaa, guddi baanan u saaray.
S: Wasiir, dhawaan waxa soo shaac baxday inaad cid gaar ah ku wareejisay xarun kalluumysi ee Neck Fish, arrintaa maxaa ka jira?
J: Waxay ka mid tahay mushkiladaha jira ee aan Somaliland ugu imi, saxaafadu waxa weeye inay noqoto mid masuuliyad qaadaysa oo waxyaabaha aan jirin inay qoraan inay ka xishoodaan, waxaan arkay aniga oo madaarka Hargaysa ka dhoofaya oo u sii jeeda Nairobi warbaahinta qaarkeed oo qortay wasiirka Kalluumaysigu dhul kalluumaysato leedahay ayuu bixiyey, waligayna warqad Berbera ku socota maan qorin, manaan saxeexin, waxbana kamay jirin arrinkaa. Laakiin, dadbaa ka dambeeyey balse aanan garanayn waxay uga dan lahaayeen. Wefti Ingiriis ah ayaa tagay Berbera dekeda ayaan tusay niman kalluumaysi doonayeyna may ahayn, haddana qolooyinkii wax iga qorayey ayuun baa qoray inaan si qarsoodi ah wax u iibiyey, meesha wax qarsoodi la yidhaahdo oo dambe ma jiraan, cidina wax ma iibin karto, dadkan yimi ee Ingiriiska ahaana niman waxaa u socdayba may ahayn, markaa waxaa waxba kamay jirin.
S: Waxa jira ganacsato badan oo dhinanca Kalluumaysiga ah, adigu wasiir ahaan sidee kuu qorshaysan inaad u horumariso?
J: Horta kalluumaysigu waa laba, mid guddaha soo galaya oo suuqyadeena lagu iibinayo iyo mid dibada loo dhoofiyo. Kii dibada wax aanu imika bilawnay ma jirto, waayo wali shirkado ayaanaan heshiis la galin, balse wadahadal ayaa noo socda, laakiin ka gudduhu horena wuu u socda, imikana wuu socdaa. Imika waxaanu wadnaa inaanu iskaashatooyinka Somaliland ee Kalluumaysatada ah laga bilaabo Saylac ilaa Maydh inaanu midayno oo hal urur ay wada yeeshaan, qolada tijaarta ahna waxaanu ugu talogalnay inaanu iyagana midayno, ka dib aanu dallad ay ku midaysan yihiin aanu u samayno, iyagana arrintaa si fiican ayaanu isula meel dhignay, midayntooduna anaga ayey noo wanaagsan tahay.
S: Wasiir ahaan waxa la sheegaa inaad ka qaybgashay shirarkii Soomaaliya ee Carta iyo Embighati oo aad aaminsantahay Soomaaliwayn, arrintaa maxaad ku difaacaysaa?
J: Waa run uma malaynayo inay dacaayadaasi imika socoto, laakiin markii wasiirka la iga dhigay aad baa loo buunbuuniyey. Anigu cidna ka qarin maayo, cidna kalamaan baqeen haddaan Soomaaliwayn ahaan lahaa, laakiin wax Soomaali wayn la yidhaahdo oo maanta jiraaba ma jiraan. Anigu waa run Koonfur waan ku koray, laakiin muddo badan ayaa iigu dambaysay ilaa 30 sano muddo ku dhaw mabaan arag. Arrinta kale ee Federaal anigu dhegta ayuun baan ka maqlaa, laakiin anigu kama qaybgalin waxa la yidhi Carta ayuu tagay, Embigati ayuu tagay, imika ayuu baarlamaanka ku jiraa, dadka waxaa qorayaa waa dad isleh ninkan sumcadiisa baabiiya. Laakiin, aniga magac ayaabay ii sameeyeenoo qofka marka aad iska weerarto maalin walba dadku waabay xiisanayaan qofkaa. Nin la yidhi waa wasiir, haddana la yidhi wuxuu ku jiraa baarlamaanka Shariif, horta anigu ragganimo dheeraad ah ayaaban u haystaa ninka reer Somaliland ah ee la yidhi Carta ayuu tagay, Embigati ayuu tagay, baarlamaankuu ku jiraa ee haddana la yidhi wasiir ayaa laga dhigay, kuwa isle wax ku xumeeya hadday dhici lahaydba ninkaasi waaba nin belaayo ahba. Laakiin, wax jira maaha, waa niman iyagu wax waayey oo cadhooday. Walaal kursigan Illaahaybaa bixiya, dadkaa waxaan u arkaa anigu dad qadarka la dagaalamaya ama qof Illaahay wuxuu siiyey u quudhi waayey oo been iyo waxaan jirin ka sheegaya, anigu Cartana maan tagin, Federaal-na ma ihi, Embigati, Xamarna mansab kama qaban, waxaasi waa waxaan waxba ka jirin.
S: Ugu dambayn, maxaad u soo jeedinaysaa bulshada?
J: Waa in ummada Somaliland ogaataa isku dooni ayeynu saaranahay, wadankana halganka, dhibaatada iyo rafaadka loo soo maray waa inaynu qadarinaa, meeshaynu shalay joognay iyo meesha aynu maanta taaganay waa inaynu qadarinaa.

0 comments:

Post a Comment