Thursday, October 14, 2010

Waftiga Xildhibaanada Somaliland oo la kulmay Baarlamaanka Ireland‏ + SAWIRO

 

Ireland(burcotoday)- Waftigii Golaha wakiilada Somaliland ee aqoon korodhsiga u joogay Woqooyiga Ireland ayaa kulano kala duwan la yeeshay Baarlamaanka Woqooyiga Ireland, Waftigu waxay la kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqooyiga Ireland  Hon. William Hay iyo ku xigeenkiisa Hon. John Dallat, waxay waftigu uga warameen  qadiyadda Somaliland iyo geedi socodka diimuqraadiyada Somaliland, waxa sida oo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Ireland Qado sharaf  ugu sameeyay Waftiga Xildhibaanada Somaliland  guriga Baarlamaanka Ireland.

Waxa waftiga Somaliland warbixino kala duwan laga  siiyay Qaab-dhismeedka  Baarlamaanka Ireland, Guddiyada uu ka kooban yahay iyo shaqooyinka ay qabtaan iyo hababka sharciyada ay u dejiyaan, waxa kale Waftiga warbixin dheer  laga siiyay nidaamka cilmi baadhista uu u  sameeyo Baarlamaanka Ireland iyo Siyaabaha ay u  kaydiyaan macluumaadka Gollaha iyo warbixinaha kala duwan ee ku saabsan Woqooyiga Ireland.  Waxa sidoo kale waftiga warbixin dheer laga siiyay Heeshiiska Caanka ah  ee loo yaqaan “Good Friday Agreement” ee dhexmaray Dawlada Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland ee lagu soo afjaray shaqaaqadii ka taagnayd mudada dheer woqooyiga Ireland.

Waftiga Gollaha Wakiilada Somaliland waxay sidoo kale kulano kala duwan la yeesheen madaxda Lixda Xisbi Qaran ee ka jira woqooyiga Ireland, waxayna ka dhegaysteen warbixino ku saabsan sida ay u shaqeeyaan iyo mawqifyadooda siyaasadeed ee ay kala aaminsanyihiin. Waftigu waxay kulano kala duwan la yeelan doonaan sida u qorshaysan Goleyaasha Deegaanka qaar ka mid ah iyo Ururada Bulshada ee Woqooyiga Ireland qaarkood.

0 comments:

Post a Comment