Thursday, October 7, 2010

BARNAAMIJKA MAANTA SALAADA IYO WAQTIGEEDA‏ & FADLIGA IYO FAA,IDADA SALAADA

 

Barnaamijkan kii ka horeeyey waxaan kaga hadalnay calaamadaha maalinta qiyaamaha, hadaba maadaama aynu nahay umad muslim ah  waxaa muhiim ah inaynu ka u dhaqano sidii nebigeenii muxamed  NNKH iyo asxaabtiisa  waxaana  ka mid ahaa calaamadaha salaada oo laga tago ama aan wakhtigeeda la ilaalinin, maantana waxaynu halkan kaga hadli doonaa salaada iyo ahmiyadeeda iyo waliba wakhtigeeda .
Salaadu waa tiir ka mid ah tiirarka islaamka ee shanta ah waana tiirka labaad marka laga yimaado shahaadada, salaadu waxay leedaahay ahmiyad  iyo fadli weyn oo nolosheena ku saabsan waxaana  ka mid ah
1.       Naftu oo ay edbiso, quluubta oo ay daahiriso, qofka muslimka ah oo ay ilaahay ku xidho, ilaahayna denbiyada kaga maydho adoomihiisa sida wasakhda  biyuhu unadiifiyaan waxaanu nebigeenu NNKH ku sifeeyey webi waxaanu yidhi “bal ka warama hadii mid idinka mid ah albaabkiisa hortiisa yahay webi oo uu ku maydhanaayo maalintii shan jeer, miyey jidhkiisa wax wasakh ahi ku hadhaysaa? Asxaabtu waxay yidhaahdeen maya! Wuxuu yidhi waa sidaa salaada shanta ahi waxaanu ilaahay inagaga maydhayaa dunuubta” xadiis muntafiq ah.
2.       Waxay ku haysaa qofka muslimka ah daacada, nadaafada,  dhawrsoonaanta uu ka dhawrsan yahay xumaanta oo dhan, iyo ilaalinta balamaha, waanay mideysaa muslimiinta oo dhan ilaahay subxaana wa tacaalaa wuxuu quraanka inoogu sheegay inay salaadu inaga ilaalinayso faaxishada iyo munkarka.
3.       Waa ciwaankii islaamka iyadaana muslimka lagaga saaraa gaalka, wuxuu nebigeenu NNKH “farqiga inaga iyo gaalka inoo dhexeeyaa waa salaada, kii ka tagaana wuu gaaloobay”. tarmedi .
Yey ku waajibtay salaadu?
Salaadaha shanta ahi waa ku waajib qofkasta oo qaan gaadh ah oo caqli leh “aan waalnayn”,  laakiin ka yar iyo ka waalan ba waa laga dulqaaday .
Caruurta waxaa salaada lagu amraa markay gaadhaan todoba sano jir waxaana lagu qaraacaa markay gaadhaan toban sano jir siduu nebigeenu NNKH inoo sheegay “ku amra umadkiina salaada todoba jirka, kuna qaraaca toban jirka.”  Ujeedada ka danbeysaana waa sidii loo heli lahaa umad ku barbaaray tarbiyad wanaagsan.
Wakhtiyad salaada iyo tiridooda
salaadaha waajibka ahi waa shan salaadood habeen iyo maalin ba
salaada subax
waa laba rakcadood, wakhtigeeduna waa marka waagu soo baxo ilaa cadceed soo baxa.
Salaada duhur
Waa afar rakcadood, wakhtigeeduna waa marka cadceedu gaadho badhtanka ee adiga iyo hadhkaagu isleegaataan ilaa uu hadhku wareegayo.
Salaada casar
Waa afar rakcadood , wakhtigeeduna waa marka wakhtiga duhur dhamaado inta cadceedu ka dhacayso.
Salaada maqrib
Waa sadex rakcadood, wakhtigeeduna waa marka cadceedu dhacdo ilaa inta uu faydmaayo khaydka cas
Salaada cishaayi
Waa afar rakcadood, wakhtigeeduna waa marka khaydka cas faydmo ilaa inta uu waagu soo baxaayo.
Hadaba waxaan la socodsiinayaa walaalahayga muslimiinta ah ee soomaaliyeed inay ilaaliyaan salaada iyo wakhtigeeda, iyadoo la joogo weliba magaalooyin oo eedaanka salaada aad maqlayso hadaad soo ajiibi waydo salaada waxaad khatar u tahay inaad halaagsanto walaal aduunku waa maalmo ee kaga faaidayso wakhtigaaga camal saalixi oo aad aakhiro iyo aduunkaba ku liibaanto.
Diyaariye:Maxamed Ciise Cabdilaahi
Shine_me@hotmail.com
Mobile: +2522-4475356

0 comments:

Post a Comment