Saturday, October 16, 2010

Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Maamulka Dekedaha Oo Dadweynaha Reer Somaliland Ugu Baaqay Kala Qayb-qaataan Sugidda Xeebaha Somaliland

Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Maamulka

Hargeysa (burcotoday)- Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa bulshada reer somaliland gaar ahaan dadka ku dhaqan dhulka xeebaha ku dhaw ugu baaqay inay gacan siiyaan ciidanka ilaallada xeebaha dalka oo ay la soo socodsiyaan cidii ay ku arkaan biyaha somaliland ee ay garan waayan ama ay u maleeyaan kooxaha budhcad badeedka iyo kalluumaystada sida sharci darrada ah uga kalluumaysta badda Somaliland.
Wasiirku waxa uu sidan ku sheegay xog-waran uu saxaafada ku siiyey xafiiskiimada wasaarada ee magaalada Hargeysa,  Kaluumayiga Dr. Maxamed Yaasiin Xasan (Dayr) waxaa uu intaa ku daray in ciidanka xeebaha Somaliland dhawr jeer oo hore qabteen kooxo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayey badaha dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay xukuno iyo ganaax kala duwan ku riday dhawaan maxkamada gobolka Saaxil, isla markaana aanay aqbalaynin in cidii ku soo xad-gudubto biyaha qaranka somaliland ay mudan doonto ciqaab adag.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyey inay talaabo ka qaadayaan cida ay ku qabtaan gudaha badda Somaliland sidii ay horeba uga qaadeen kuwii ay qabteen ee la xukumay.
Dr: Dayr waxa uu bulshada reer somaliland u soo jeediyey haddii aanay shacabka iyo kalluumaystada Somaliland la shaqayn ciidanka xeebaha dalka in aanay Dawladu waxba ka qaban Karin, isla markaana ay xeebaha Somaliland noqonayaan meel cidkastaaba soo gasho oo ay waxay doonayso ka fushato, isagoo ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada xeebaha ku nool iyo kuwa barriga joogaba inay la soo socodsiiyaan ciidanka ilaalada xeebaha cid kasta oo ay u arkaan inay sifo sharci darro ah ku soo gashay biyaha dalka.
Waxaanu wasiirku balan qaaday oo uu hadalkiisii ku soo afmeeray inay wasaaradda iyo xukuumaduba ku dedaalayaan sidii ay ugu hortegi lahaayeen budhcad badeeda iyo cidkasta oo ku soo xad gudubta biyaha Somaliland.

0 comments:

Post a Comment