Saturday, October 9, 2010

Dalka Mareykanka oo Maxkamad Lagu Soo Taagayo Askari Dad Afghanistana Xasuuqay Isla Markaana Kasoo Jarray Farrahoodii Si uu Xusuus Uga Dhigto

 

SEATTLE(burcotoday)- Askari Mareykan ah ayaa maxkamad la soo taagi doonaa kadib markii la ogaaday inuu dillay dad badan oo Reer Afganistan ah isla markaana uu ka soo jaray dadkaa farahoodii si,uu uga dhigto Xusuus oo uu meel ugu kaydsado,


Qaadiga Ciidamada ee dalka Mareykanka ayaa arintaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters isagoo qaadigu intaa ku daray in ninkaa oo Askari ka ahaa dalka Afganistan uu haysto Farro badan oo uu kasoo jaray dadkii uu laayey ee Reer Afganistan,

Askarigan oo lagu magacaabo Jeremy Murlok oo 22 jir ah ayaa ka tirsanaa ciidamada Badda ee dalka mareykanka isagoo gacantiisa ku dillay dad baddan oo rayid ah isla markaana u badheedhay inuu dadkii Meydka ahaa ee uu dillay uu kasoo jarro farrahooda si uu xusuus uga dhigto dagaalkaa uu ka galay dalka Afganistan,


Jeremy ayaa kamida 12 Askari oo lagu haysto danbiyo iyo xasuuq ay kasoo galeen dalka Afganistan. Qaadiga ayaa sheegay in hadii danbigaa lagu hello lagu xukumi doono Askarigaa Dil Toogasho ah, Jeremy ayaa hadii xukunkaa dilka ah lagu fuliyo noqon doona askarigii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka dagaalama dalka Afganistan ee dil lagu xukumo danbiyada ay dalkaa ka galeen awgoog,




0 comments:

Post a Comment