Friday, October 1, 2010

SAWIRKA MAANTA: Cudada Ciidamada Somaliland‏

 

Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shebekeda caalamiga ah ee Burcotodaywuxuu muujinayaa qaybo ka mid ah tiknikada ciidamada Qaranka Somaliland gaar ahaan gaadiidka loo yaqaano Taangiga ama kaaraha, Daawo oo Ku Diirso, bal aan idinku nasiyo baydad ka mid ah gabaygii Godlan ee Abwaan Axmed Aw Geedi:

Shilka guuxa suugoo gingiman, guda yaraw biiten
Sii kaawi geelgeel tamoo, cadawga googooya
Foodhiga gariirkii ka baxay, galawgu eedaamay
Garaanbiiga goobtuu ku dhaco, ciidu Gubaneyso
Beebeega orod gaariyeen, cidina Gaadheynin
Kaaraha gurguurtee khalqigu, baqe ka giigaayo
Galabtaan intaa soo tubnee, Cadowga guudkeenay
Sidii goroyo lagu soo baxay, gelelef yaaceene.



SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH Burcotoday

0 comments:

Post a Comment