Sunday, October 3, 2010

Hargaysa: Ciidamada Booliska Soomaaliland oo Soo Bandhigay Hub iyo Alado Qarxa

PDF Print E-mail
 

Shir-jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta birmadka ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa Wasiirada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,
 Warfaatinta C/laahi Jaamac Cisman iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa waxa ay ku soo bandhigeen walxaha qarxa, qoryo, baasuukayaal iyo kiimikooyin ay ciidanka booliska Somaliland ka soo kala qabteen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.
Ugu horayn waxa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) waxaanu yidhi isaga oo arintaa ka hadlaya “Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horeysa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxa maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen in ay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin ciddii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimaayay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka dambeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isu xilqaamay,”
Dr. Gaboose oo shacabka reer Somaliland la hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa in ay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shacab ah in ay ina dhex joogaan, waa in aynu jaararkeena ka warhaynaa, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo”
Wasiirku isagoo walxahan sharaxaad ka bixinaya waxa uu yidhi “Waxyaabahan la qabtay waxa ku jira xaashi ay isu hayso xabagi, taas oo si sahlan loogu dhejin karo gaadhigaaga, halkan waxa yaala xalwad, waa ta aynu maalin walba cunno, bal ka warama xalwadii haddii ay noqotay dal dhan wixii lagu qarxin lahaa, waayo suntii la qarxin lahaa haddii ay u baahantay in wixii isu hayn lahaa ay tahay xalwad”

Haddaba haddii ay 98% dadkeenu ay nadiif yihiin waxa aad ogaataan in wiilkaaga guriga jooggaa uu qayb ka noqon karo burburka gurigaaga iyo mustaqbalkaaga, intaas yar ee inagu dhex jirtaa waxa ay geysan karaan baaba’ iyo hoog aan laga soo kabsan Karin, waxa aanu ogaanay in shacabka reer Somaliland ay ilaashanayaan qaranimadooda”.
Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ku bogaadiyey ciidanka booliska Somaliland waxyaabahan ay soo qabteen ee khatarta badan ku keeni lahaa haddii aanay soo qaban waxaanu yidhi “Waxa aan idiinku bushaaraynayaa in inkasta oo ay qaar baxsan karaan, in kuwii ka dambeeyayba qaarkood aanu hayno, gacanteenana ay ku jiraan, taasina waa mahad ilaahay xil ayaana idin saaran”.
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble furre, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dadweynaha reer Somaliland la’aantood ciidanka boolisku soo qaban kareen walxahan.
Waxaanu yidhi “Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaas aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa”.
Cumar C/laahi Qaasaali oo ka mid ah madaxda sarsare ee ciidanka booliska oo faah-faahin ka bixinayay qalabkan iyo sida looga hawlgalay ayaa yidhi “Alaabtaas yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab, Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan. Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hadda hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in badda lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo, labadaas mid uun bay ahayd sidii uu Janankuba hore idiinku sheegay waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu.”
Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hadda ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay”.
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isna ugu dambayntii halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu aamaan ujeediyey ciidanka booliska Somaliland ee iyagu soo qabtay walxahan.

0 comments:

Post a Comment