Thursday, October 14, 2010

Hargeysa: Madaxda Shirkadaha Dahabshiil Iyo SOMTEL Maanta Kulan La Yeeshay Weriyaal Caalami Ah Oo Hargeysa Ku Sugan + SAWIRO

 

Hargeysa (burcotoday)- Madaxda shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL, ayaa maanta kulan la yeeshay Weriyaal Caalami ah oo la socday Weftiga Qaadhaan-bixiyayaasha ee Somaliland jooqashada ku jooga.

Weriyaashan oo ka kala tirsan Telefiishannada Caalamiga ah ee Al-jaziira, CNN iyo BBC-da ayaa kulanka ka hor Madaxda shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL waxa ay kor-meer ku soo mariyeen xarumaha shirkadaha ee magaalaada Hargeysa, iyaga indho-indhayn ku samaynayay  qaabka ay u socdaan adeegyada xawilaada lacagaha iyo isgaadhsiintuba.

Waxaana weriyaashaas ku soo dhaweeyey xarumaha shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL Madax   ay kamid ahaayeen Maareeyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maareeyaha Qaybta Xawaaladda iyo Sarifka Lacagaha Cabdiraxmaan Cali Cabi,Madaxa xidhiidhka dadweynaha Professor Xasan Maxameed Jaamac [Xasan Xiis] Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mr Faarax iyo saraakiil kale oo farabadan.
Kormeerkaas ka dib, kulan xog-waran ah oo madaxda shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL u qabteen Weriyaasha Caalamiga ah, ayaa waxa halkaas warbixin-dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ku siiyeyey Maareeyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo aad ugu dheereeday adeegga soo jireenka ah ee shirkadda Dahabshiil.

Waxa uu tilmaamay in shirkada Dahabshiil ay kaalin weyn kaga jirta horumarka Somaliland ku tallaabsatay, isla markaana ay ka hawl-gasho guud ahaan Caalamka oo dhan, isaga oo xusay inay adeegyada qabtaana ay ka mid tahay xawilaada lacagaha qalaad, sarrifka, E-cash-ka iyo iyaga oo dhawaan dalka Jabuuti ka hirgeliyey Bangi Caalami ah oo u shaqeeya qaab Islaami ah, kuna talo-jiraan in qaybtiisii labaad-na Hargeysa ka furayaan.

Mareeyuhu waxa kale oo uu weriyaasha u sheegay in Shirkadda Dahabshiil ay door wax-ku-oolka ah kaga jirto horumarinta iyo wax-ka-qabaashada kaabayaasha iyo adeegyada kala duwan ee la xidhiidha waxbarashada, Caafimaadka, dib-u-dhiska dalka iyo nabadgelyada dalka.

Waxa uu sheegay in shirkada Dahabshiil uu asaasay Aabihii Maxamed Siciid, isla mar ahaantaana ay afartan sannadood jirtay oo ay soo martay maraaxil kala duwan ilaa ay ka soo gaadhaysay heerka ay xilligan taagantahay.
Sida oo kale Maareeyuhu waxa uu weriyaasha u sheegay inay sannadkan gudihiisa waddanka ka hirgeliyeen shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL, oo uu xusay inay bixiso adeegyada isgaadhsiinta Telefoonadda iyo Internet xawaarahiisu aad u sareeyo, kaasoo meel kasta oo dalka gudihiisa ka mid ah uu qofku ku isticmaali kararo.

Weriyaasha, ayaa iyaga laftoodu waxa ay su’aalo badan oo daran-doori ah Maareeyaha ka waydiiyeen adeegyada ay bixiyaan shirkaduhu iyo sida ay u shaqeeyan, iyo weliba kaalinta ay dalka kaga jiraan.
“Imisa xarumood ayaad ku leediyiin Dalka Maraykanka oo aad lacagaha kasoo xawishaan?” Ayay ahayd su’aal ay wadiineen weriyaashaasi, waxaanu ku jawaabay “waxaanu ku leenahay 13 xarumood oo ku kalayaala 53 state ee dalka Maraykanku ka koobanyahay”

Waxaakale oo la waydiiyey su’aal ahayd “wadamada Africa iyaga xafiisyo maad ku leedihiin?waxaanu ku jawaabay “haa waanu ku leenahay waxaana kamida wadamadaasi aanu xafiisyada ku leenahay Itoobiya,Kenya,Tanzaniya,South Africa,Uganda iyo kuwo kale waxaanu Maamuluhu intaa ku daray inay ka Shirkadda Xawaaladaha iyo Sarifka Lacagaha ee Dahabshiil xafiisyo ku yeelihiin  dhamaan wadamada Carabta oo dhan.
Waxaakale oo la waydiiyey su’aal ahayd “sideebay idiinla macaamilaan Hay’adaha UN ka iyo kuwa kale ee samafalka ahi ka Dahabshiil ahaan waxaanu sheegay inay si fiican ula macaamilaan dhamaan Hay’adaha dalka jooga ee kaladuwani isla markaana ay aaminsan yihiin shaqada fiican ee Baanka Dahabshiil lacagahoodana ay dhigtaan kana qaataan Baanka Shirkadda Dahabshiil.

Intaa kadib Maamulaha guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale waxa uu saxaafadda uga waramay nuxurka su’aalihii Wariya-yaasha caalamiga ah iyo jawaabihii uu maamuluhu ka bixiyey isaga oo arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi “sidaad la wada socotaan waxaa shalay halkan noogu yimid wufuuddii caalamiga ahaa ee dalka soo booqday maantana waxaa halkan noogu yimid wariya-yaashii caalamiga ahaa ee ka kala socday warbaahinta caalamiga ah qaybaheeda kaladuwan”ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Hadalkii maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ee uu kaga waramayey nuxurka kulankii dhexmaray Shirkadaha Dahabshiil iyo Wariya-yaashii caalamaoga ahaa ee ka kala socday warbaahinta caalamiga ah qaybaheeda kaladuwan isaga oo dhamaystiran waxaad ka daawan kartaa isaga oo maqal iyo muuqaal-ba ah qaybta Baadiya TV.

0 comments:

Post a Comment