Monday, October 11, 2010

Guddida Ammaanka Qaranka Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay iyo Magacyada Xubnaha ku Jira

 

Hargeysa (burcotoday)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa badhtamihii bishii September 2010 magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood iyo xoghayntooda oo qaabilsan dhinaca amniga qaranka.
Si cad xukuumaddu daboolka ugamay qaadin magacyada guddida amamanka qaran, hase yeesheee digreetadda madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay guddida amniga qaranka oo weriyeyaal Jamhuuriya ka tirsani arkeen, waxa Guddoomiye u ah madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddidaasi oo aan la mid ahayn guddidii nabadgelyada xukuumadii madaxweyne Rayaale, balse shaqadeedu tahay inay ka taliso ammaanka qaranka.
Guddida ammaanka qaranka oo uu Guddoomiye u yahay madaxweyne Siilaanyo, waxa xubno ka ah madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, wasiiradda arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, arrimaha debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, taliyeyaasha ciidanka qaranka Nuux Taani, booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal), sirdoonka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaati) iyo Chief of Cobinet-ka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo guddida xoghayn u ah.
Digreetada madaxweynuhu ku magacaabay guddida ammaanka qaranka waxaan ku jirin Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo afhayeenka KULMIYE Md. Maxamed Kaahin oo warbaahinta qaarkood hore u baahiyeen inay xubno ka yihiin guddida amaanka qaranka.
Jamhuuriya

0 comments:

Post a Comment