Thursday, October 7, 2010

Israel oo Gantaalo Ku Weerartay Saaka Subixii Hore Meelo Kamida Marinka Gaza Iyadoo Ilaa Iminka La Sheegay Lix Qof oo Ku Dhaawacmay Weerarkaa

 

FALASTIIN(burcotoday)- Lix qof ayaa ku dhaawacmay duqeyno is daba joog ahaa oo saaka subaxnimadii hore ay diyaaradaha dagaalka Israel ay ku qaadeen Marinka Gaza ee dalka Falastiin, Weeraradan ayaa lala beegsaday xerooyin ay leeyihiin Ururka Ciza Diin oo ah garabka hubeysan  Ee Xamaas,

Adham Abu Saliima oo u hadlay hay,adaha caafimaadka ayaa  u  sheegay Jariirada United Press International in Isbitaalada la soo gaadhsiiyay lix qof oo dhaawac ah isla markaana ay duqeyntaasi u geysatay guryo badan Burbur laxaad leh kuwaas oo ku yaala waqooyi galbeed ee Marinka Gaza,

Xukuumada falastiiniyiinta ayaa iyaduna sheegtay in diyaarad dagaal oo ay Israel leedahay ay duqeysay xero ay ku tababaran jireen ciidamada Ururka Xamaas taas oo ah ta ay ku dhaawacmeen lixda Qof, Warkan ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay iyagana duqeeyeen Beero ku yaala meel u dhow Xererda qaxoontiga ee Bariix iyagoon sheegin halkaa dad wax ku noqdeen,

Xukuumada Israel ayaa sheegtay arbacadii inay ku soo dhacay gantaal laga soo tuuray Marinka Gaza kaas oo ay sheegeen in aanuu geysan wax khasaare ah, Israel ayaa sheegtay in gantaal labaad oo lagu soo tuuray uu ku dhacay xuduudka u dhaxeeya Israel iyo falastiin iyagoon sheegin inuu khasaare geystay iyo in kale,

Ururada falastiin ayaa sheegay inay shalay Arbacadii laba gantaal ku tuureen dhulka Israel laakiin Israel ayaan iyadu cagaha u dhigin isla markaana si deg deg ah uga jawaabta hadii gantaal lagu soo rido iyadoo kaga jawaabta gantaalo waaweyn oo casri ah kuwaas oo markiiba gumaada dad badan oo falastiiniyiin ah,

0 comments:

Post a Comment