Monday, October 4, 2010

Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Ansixiyey Sadex Wasiir oo Ka Tirasan Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo

 

Hargaysa(Oodweynenews) Mudanayaasha Golaha Wakliilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod gacan taaga ku ansixiyey  Sadex wasiir oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,  wasiiradan oo safar ku maqnaan wakhtigii uu Golaha wakiiladu ansinanyeen wasiiradii hore,wasiirada oo kale ah Wasiirka Warfaafinata iyo wacyigalinta ,Wasiirka Arimaha dibada iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
Fadhigan uu maanta  yeeshay  Golah Wakiilada Somaliland ayaa wax shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi mudane CabdiRaxmaan Maxmed CabdiLaahi(ciro) waxan fadhiga maanta  ee golaha  soo xaadiray 55. Xildhibaan.
Intii aanay bilaabmin  codaynatu ayaa wax Golaha  hortiisa hadalo koob kooban ka jeediyey sadexda  Wasiir ee la ansixianayey.
Wasiirka Arimaha dibada Dr.Maxmed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibadu ay muhiimada koowaad siinayso in ay xoojiso xidhiidhka y la leeday beesha caalamka.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md.Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in uu ahmiyada koowaad siinayo in wax badan laga qabto biyaha caasimada hargaysa, waxa kaloo uu Golaha u sheegay wasiirku in uu Aqalka Wakiilada horkeenayo sharciga la xidhiidhka maamulka macdanta dalka.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) waxuu wasiirku golah u balan qaaday inuu tayendoono saxaafada Somaliland waxa kaloo wasiirku balan qaaday in saxaafada dawladu ay noqon doonto mid bulsha u siman oo u soo gudbisa warar waaqica ku dhisan.
Intaas ka dib ayaa Xoghaaya guud ee wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ka hor akhriyey golaha CVyada iyo taariikh nololeedka wasiiradan sadexda ah  ka dibna wax la galay godfaytii Codaytii golaha oo  u dhacday sidan;
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada  Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa ogolaaday 51.Mudane,2mudane ayaa diiday 1.madane na waaka aamusay,Gudoomiyhuna ma codayn sidaasi ayaa ku ansaxay.
Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Md.Xuseen Cabdi Ducaale, waxa ogolaaday 53 Mudane ,1 Mudane ayaa diiday,cidka aamustay may jirin Gudoomiyuhna ma codayn sidaas ayaa ku ansaxay.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinata iyo Wacyigalinta Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire)waxa ogolaaday 51 Mudane,2  mudaen ayaa diiday,1 Mudane ayaa ka aamusay,Gudoomiyuna ma coday sidaasi ayaana ku ansaxay.

0 comments:

Post a Comment