Thursday, October 7, 2010

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer oo Maanta Gaadhigii uu Khilaafku Ka Dhashay ku Wareejiyay Maamulka Gobolka‏

BORCO(burcotoday)-Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa saaka si rasmiya ugu wareejiyay Maamulka Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin sarasre oo ka socday Xukuumada Somaliland Gaadhiguu uu watay oo dhawaan wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland amar ku bixiyay in la soo xidho taas oo dhalaisay xiisad kacsan keentayna in arintaasi laf iyo tahar ku noqtay Xalinteedu Madaxtooyada Somaliland.
 Dahawaan ayay ahayd markii ciidmada Booliskua ay isku dayeen inay Xidhaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolk Togdheer Guuleed Daahir Samatar kuwaasi oo ku hungoobay inay xidhaan taasina ay keentay in bulshada Gobolku ay ka xanaaqaan sifaha noocani oo kale ah ee lagula kacayo madaxda xukuumadii hore taas oo ay ku tilmaameen sharci daro keena karta iska horkeenka bulshada Gobolka.
 Munaasibadani saaka lagula kala wareegayay gaadhigani oo ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Togdheer ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar,maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada,Saalaadiinta iyo wax  garadka Beesha uu ka soo jeedo Guuleed ,Saraakiisha Bilayska iyo madax ka socotay Madaxtooyada Jaqmhuuriyada Somaliland.
 Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Waxaanu sheegay inuu u mahadcelinayo cid walba oo ka soo shaqaysay sidii ay hawshani u dhacaday waxaanu tilmamay inuu manta wareejinayo gaadhiga khilaafka dhaliayay isaga oo tilmamay in sifaha uu ku wareejinayaa aanay ahayn mid ay dawladu sharci ahaan ugu yeelatay balse ay tahay xeerin iyo tixgelin uu tixgalinayo odoy dhaqameedad hawshani ka hawlgalay waxaanu tilmaamy in gadhigani uu isagu leeyahay sharcigiisiina uu hayo.
Guuleed waxa uu eedayn u soo jeediayay maamulka Gobolka Togdheer oo uu sheegay inay si karaamo daro ah ula dhaqmeen taasina ay tahay mid aan loo baahnayan waxaanu sheegay in markii lagu eedaynayay in ciidan beeleed uu samayanayo uu ku saxsanaa isaga sheegay in arintaasi ay ky timi ka dib markii maamulka Gobolku Tixgelinwaayeen haybada iyo sharafta uu leeyahay.
Geesta kalae Guuleed Daahir Samatar ayaa mar uu ka hadalayay hantida Guriga uu haatan ku jiro ayaa waxa uu uga digay inaan cidini ku soo walaacin isaga oo tilmamay in gurigani la mid yahay Aqalka Madaxtooyada ee madaxweynuhu ku jiro sidaas oo kalena uu ugu jirayo.
 Ugu danbayntii Guuleed waxa uu maan u soo jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo u ku tilmamay inuu sameeyay sidii ay xeego xeego u noqonlahayd ilakana u nabad galilahaayeen oo ku tilmamay inuu gaadhay xalkii loo baahnaa taasina aya tahay qwaajibaadka ay dadku u doorteen.
 Waxa kale oo isna kulnakaasi ka hadalay Gudoomiayaha Gobolka Togdheer oo ka raali geliyay Guuleed Daahir samatar wixii lagaula kacay intii hawshani socotay isaga oo tilmamay inuu jecelyahay inay sxb u ahaadaan sidii ay awalba u ahaayeen wada shaqayn wacanina ay dhexmarto.
 Waxaa sidoo kale iyana Goobtaasi ka hadlay Odoyada Beesha uu ka soo jeedo Guuleed oo ay ka mid ahaayeen Oday Deer waxaanay sheegeen in loo baahanyahay in laga fiirsado talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso iyaga oo si gaara u eedeyay waasiirka maaliyada oo ay ku tilmaameen mid xiligani baal marasan hawlihiisa Shaqo.
 Ugu Danabytii Guuleed Daahir Samatar ayaa si rasmiya Gaadhigaasi u wareejiayay kuna wareejiyay maamulka Gobolka iyo masuuliyiin sarsare oo ka socotay madaxtooyada Somaliland.
 Waxaad Akhristayaal Goor Dhaw Ka Daawandoontaan Shabakadani Oodweyne News sidii ay u dhacday Kala Wareejinta Gaadhigaasi iyo hadaladii Muslliyiintii Halkaasi ka hadashay.
Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News/Burco Office
E-mail.cawad05@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment