Saturday, October 16, 2010

Laba Nin Oo Ka Tirsan Hay’adda Save the Children Oo Lagu Afduubay Degmada Cadaado

 

Cadaado(OWN)- Waraka ka imanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa  sheegaya  in degmada Cadaado lagu afduubtay laba Nin  oo u shaqeeynayay Hay’adda  Save the Children oo xarun ku leh degmadaas, Labadan Nin  la afuudbtay  ayaa mid ka mid ah waxaa uu ahaa Ajinabi u dhashay dalka  Britian oo la sheegay in uu yahay  la tiliyaha dhinaca amaanka ee Hay’adaha samafalka islamarkaana waxa badan ka sheeqaynayay dalka Soomaaliya hadana sida la tilmaamay u joogay degmadaasi in oo Kontoroolo amaanka halka ka kalana uu ahaa nin Soomali ah oo la shayqaynayay .
Afduubka labada nin ayaa ka dambeeysay ka dib markii kooxo hubaysan aan heebtooda la garanaynin ay weerar ku soo qaadeen Xarun Hay’adda ay ka shaqeeyaan ee ay ku leedahay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyadoo aan la’ogayn halka ay kooxahani oo gaadhi ku ka xaystay labadaas nin ay tegeen.
Ilaa Wakhtigan Hay’adda  Save the Children oo xuntooda tahay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaan warka hayn wax wara halka loo kaxaystay labadaas Nin.

0 comments:

Post a Comment