Friday, October 1, 2010

Cuqaasha iyo Waxgaradka Galbeedka Burco oo ka digay inay Cawaaqib Xumo ka dhalan karto.Iyo Maamulka Maamulka gobolka Togdheer oo Amray in aan Shir Beeleed lagu Qaban karin Huteeladda Burco

+

……
Waxaannu leenahay Madaxweynaha waa inaad arrinta shanta nin ee isku haybta ah looga soo socday afartankii wasiir ee dawladdii hore ka noqoto, waayo waxaannu u aragnaa xaalad-abuur aan Somaliland dan u ahayn”
Oday Muuse Aw Ibraahim Nuur
Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beesha galbeedka Burco, ayaa shir-jaraa’id oo ay gelinkii dambe ee shalay ku qabtay Huteel Ramaad ee magaalada Burco waxay si kulul ugu cambaareeyeen xayiraadda dhinaca safarrada ah ee la sheegay in Hantidhawrka Guud ku soo rogay guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, iyagoo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu hakiyo baadhitaannadaas oo ay ku tilmaameen kuwo cid gaar ah ku socda.Sidoo kale, waxay odayaashaasi dhaliileen qaabka Hantidhawrka Guud u wado baadhitaannada, iyagoo tilmaamay in Somaliland u baahan tahay horusocod, balse aan dib loo noqon, isla markaana isbeddelkii xukuumadda ku baaqaysay aannu horseedin isqab-qabsi dalka ka bilaabma.
“Waxaannu leenahay Madaxweynaha Somaliland waxa lagaaga fadhiyey isbeddelkii aad ku ballanqaaday, laakiin waxaad ku beddeshay isqabsi, markaa waxaannu leenahay Madaxweynaha waa inaad arrinta shanta nin ee isku haybta ah looga soo socday afartankii wasiir ee dawladdii hore ka noqoto, waayo waxaannu u aragnaa inay tahay xaalad-abuur aan maanta Somaliland dan u ahayn, halkaasna maanta Somaliland waxay ku soo gaadhay isu tanaasul, dulqaad iyo talo-wadaag. Waxaannu Madaxweynaha si sharaf leh kaaga codsaneynaa in arrintaa [baadhitaannada Hantidhawrka] ragga loo soocday tahay sharci-darro ay tahay in laga noqdo.” Sidaa waxa yidhi Muuse Aw Ibraahim Nuur oo ka mid ah odayaasha shirkaa jaraa’id ka hadlay.
Sidoo kale, oday Aadan Cabdillaahi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “In la isbaadho uma aragno wax xumaan ah, balse waxa ayaan-darro ah in baadhitaanku dhinac ka rarnaado. Somaliland maanta uma baahna in dib loogu celiyo wixii ay hore uga gudabtay ee waa inay hore uga socotaa.”
“Haddii baadhitaan la bilaabayo waxa habboonayd oo daruuri ah in baadhitaanka la doonayo laga soo bilaabo tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo uu ahaa Wasiirka Maaliyadda.” Sidaana waxa yidhi oday Sugulle.
Oday Xamari oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “Maanta waxaynu maraynaa meel Qaramada Midoobay laga sheego wanaaggeenna, horumarkeenna iyo waxqabadkeenna, balse waxaan leeyahay Somaliland waxay la kala xishoon jirtay hadday la kala xishoon weydo, waxa iman doona wax aan cidna raalli galin doonin.
Geesta kale, waxay odayaashaasi si kulul u cambaareeyeen xayiraaddii safarrada ee lagu soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid wax u dhimaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo isbeddelkii xisbiga KULMIYE ee talada hayaa ku baaqayey.
Halkan ka eeg Qoraalka Maamulka gobolka Togdheer oo Amray in aan Shir Beeleed lagu Qaban karin Huteeladda Burco

0 comments:

Post a Comment