Thursday, October 21, 2010

Hargeysa: Daraasad-qiimayneed Lagu Sameeyey Sidii Ay Saxaafada JSL Uga Qayb-qaadatay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Oo La Soo Bandhigay

 

Hargeysa (burcotoday)- Urur Ay Ku Bohoobeen Ururada Saxaafada Somaliland Iyo Kuwa Bulshada Rayidka ah oo lagu magacaabo Somaliland Media Monitering Group, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Daraasad Qiimayn ah oo la Xidhiidha Doorkii Saxaafada maxalliga ah ee Somaliland qayb-qaadatay ololihii doorashadii dalka ka qabsoontay 26-kii June.2010, isla markaana waxa ay soo bandhigeen qaabkii ay waraahintu ugu kala xaglisay xisbiyada.
Bandhiga darsaasadan oo maanta lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Md.Cabdilaahi Jaamaca Cismaan (Geeljire), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi ,Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md.Aadan Maxmed Mire (Waqaf), Xoghaya Guud ee Xisbiga Kulmiye Md.Kayse Xasan Cige, Madaxa Arimha Siyaasada Xisbiga UDUB Md. Cumar Jaamca Faarax, Godoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qarnka Ciise Yuusuf Xamari, Madaxda hayadaha kala duwan ee warbaahinka iyo marti shar kale oo tiro badan.
Ugu horay wax munaa sibadaas ka hadlay Gudoomiyaha Ururka MMG Md., Mustafe Sacad Dhinbiil waxaanuu sharaxaad ka bixyey aas-aas kii ururkan iyo siyaabihii ay uga haw galeen wakhtigii uu socday ololahahii doorashada madaxtooyda Somaliland  waxa hadaladii sii ka mid ahaa “MMG ujeedooyinka loo sameeyey waxa ka mid ah, kor u qaadista mihnadda saxaafadda, gudbinta warar iyo barnaamijyo ay ka muuqado Xog-ogaalnimo, sugidda ila wareed-yada, si warbaahinta Somaliland loogu ilaaliyo inay si siman ugu adeegaan xisbiyadda siyaasadda waqtiyada doorashooyinka iyo in warka iyo xogta saxaafaddu gudbinaysaa noqoto mid xaqiiqada ku salaysan. Isla mar ahaantaana ay macluumaad sugan u gudbiyaan bulshada si ay masiirkooda u go’aamin karaan iyagoo xog dhab ah haysta” Sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Uruurka MMG Md. Mustafe Dhinbiil.
Waxa kalo uu intaas ku daray Mustafe Dhinbiil “ Si loo helo xoggo rasmi ah oo caddaynaya sida warbaahintu ugu xaq-soorto xisbiyada siyaasadda xilliga doorashada iyo weliba cid loo gudbiyo cabashooyinka xisbiyada ee ku saabsan warbaahinta xiliga doorashada. Ayaa MMG kaalin la taaban karo ka qaadatay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26kii June 2010” Sidaan wax yidhi Gudoomiyah MMG Mustafe Dhinbiil.
Waxa kaloo halkaas ka hadalayu Wasiirka Wasaada Wafaafinta  iyo Wacyigalinta Md.Cabilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxana uu sheegay in ay tahay guul somalialnd u soo hatay in la helo in u kala markhgaati furta saxaafada isla markaana ay mar hore ahayd in la sameeyo ururkan.
Waxa kalo uu Wasiirku ku dheeraaday masuuliyada ay leedahay saxaafadu waxaanuu sheegay in maxadbanaanida saxaafadu aanay macanaheedu ahay in ay wax walba iska qorto si aan wafaqsanayan shuruucda.
Waxa isgau halkaas ka hadalay Madaxa Xafiiska Arimaha Siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax waxana uu sheegay in ay tahay wax wanaagsan in la helo meel lagala socdo dhaqdhaqaaqyada saxaafda si loo ogaado waxa yaabaha ay gudbinayaan in ay waafaqsan yihiin xeerka saxaafada iyo in kale.
Waxa kalloo intaas ku daray Cumar Jaamac “Waxaanu saaxiibadayo Kulmiye ka dalbanaynaa oo aanu marti ugu nahay waxa yaabihii ay shalay ka caban jireen oo ah in ay fursad naga siiyaan in aanu ka hadalno warbaahinta dawlada maalmaha ay jiraan munaasibandao Qaran” sidaan wax yidhi Cumar Jaamac Faarax.
Wax isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md.Aaadn Maxmed Mire (Waqaf) waxanuu sheegay in saxaafada Somaliland ay sii korayso islamarkaan ay maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii socoto, waxa kaloo hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa saxaafada la soo gudboonaada dhibadan hadii ay tahay xadhig hanjabaad iyo cabudhin waxaanan leeyahay ILAAHAY ha idinka abaal maryi dadaalka aad dalakan u jirtaan” sidaana wax yidhi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md.Aaadan Waqaf
Waxa kalo uu Md.Aadan Waqaf baaq u diray saxaafada somalililnd baaqaasina waxa uu u dhignaa sidatan “saxaafda waxan leeyahay waar kala saara warka iyo faalada, oo ahadaan wax faalaynaysaan dee warka haku soo darina ee ku soo qora badhiidhaha wargaysaka” siaada wax yidhi Md. Waqaf.
Waxa isagun halakaas ka hadlay Xoghaya guud ee xisbiga Kullmiye Md. Kayse Xasan Cige waxaanuu sheegay in ay xisbi ahaan balan qaadayaan in ay wax weyn ka badalayaan nidaankii ay dawladii hore ula dhaqmi jirtay saxaafada Somaliland.
Waxa isagauna halakaas ka hadalay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxana uu saxaafada kala dar-daarmay in ay ka taxadaraan warka ay gudbinayaan, sidoo kalena waxa uu Wasiirku hoga tusaaleeye in warka laga been sheegao lagu mutaysto ciqaabka ILAAHAY.
Waxa siaguna halkaas ka hadalay Gudoomiyaha Gudaida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Xamari Waxaanuu sheegay in saxafadu door muhiima ka qaadatay geedi socodka dumuquraadida somaliland, waxa haloo uu sheegay in aanuu dalku gaadheen guushii u soo hoayata hadii aanay ka qayb qaadan saxaafadu.
Ugu dambayntii waxaa halkaas lagu soo bandhigay daraasad oo dhamaystiran iyo muqaalo ay ka duubeen TV-yada xilligii ololaha doorashada.
Waana tan daraasada qiimaynta ahayd ee ka bogosho wanaagsan:-
TV Prog.Statistics
The Numbers given are considered as Minutes
SLNTV
XisbiyadaTotalPercent
UDUB254389%
KULMIYE1385%
UCID1756%
TOTAL:2856100%
HCTV
XisbiyadaTotalPercent
UDUB00%
KULMIYE125158%
UCID88942%
TOTAL:2140100%
SLSC
XisbiyadaTotalPercent
UDUB00%
KULMIYE188862%
UCID114538%
TOTAL:3033100%
TV News Statistics
The Numbers given are considered as Minutes
SLNTV
XisbiyadaTotalPercent
UDUB26780%
KULMIYE3711%
UCID309%
TOTAL:334100%
HCTV
XisbiyadaTotalPercent
UDUB2415%
KULMIYE10060%
UCID4125%
TOTAL:165100%
SLSC
XisbiyadaTotalPercent
UDUB7717%
KULMIYE29065%
UCID7618%
TOTAL:443100%
Newspaper Statistics
The Numbers given are considered as Front Page Titles
JAMHUURIYA
XisbiyadaTotalPercent
UDUB1633%
KULMIYE2449%
UCID918%
TOTAL:49100%
HAATUF
XisbiyadaTotalPercent
UDUB923%
KULMIYE2562%
UCID615%
TOTAL:40100%
geeska Afrika
XisbiyadaTotalPercent
UDUB1330%
KULMIYE1944%
UCID1126%
TOTAL:43100%
OGAAL
XisbiyadaTotalPercent
UDUB1027%
KULMIYE1438%
UCID1335%
TOTAL:37100%
YOOL
XisbiyadaTotalPercent
UDUB1152%
KULMIYE629%
UCID419%
TOTAL:21100%
SAXANSAXO
XisbiyadaTotalPercent
UDUB1120%
KULMIYE3156%
UCID1324%
TOTAL:55100%
SAXAFI
XisbiyadaTotalPercent
UDUB725%
KULMIYE1346%
UCID829%
TOTAL:28100%
Radio Statistics
The Numbers given are considered as Minutes
horyaal radio
XisbiyadaTotalPercent
UDUB6118%
KULMIYE25372%
UCID3310%
TOTAL:347100%
radio hargeisa
XisbiyadaTotalPercent
UDUB8448%
KULMIYE4928%
UCID4224%
TOTAL:175100%

0 comments:

Post a Comment