Tuesday, October 5, 2010

Madaxweynaha Uganda oo sheegtay inuu dalka Soomaaliya u dirayo ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 20,000-askari

 

Hargeysa (burcotoday)-  Dalka Uganda wuxuu qorsheynayaa inay Soomaaliya u diraan 20,000-askari oo dheeraad ah si wax loog qabto xasillooni darriada ka taagan dalkaas, balse waxaa loo baahan yahay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen, ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni gallinkii dambe ee Isniintii shalay.
Afhayeenka  madaxweynaha Uganda, ayaa laga soo xigtay in Museveni uu hadalka sheegay intii uu socday kulan uu la qaatay saraakiil dhinaca ammaanka oo ka socday Midowga Yurub, isagoo sidoo kale ku wargeliyay in kooxaha burcadbadeedda ah looga adkaan karo oo keliya in la xoojiyo dowladda Soomaaliya.
“Uganda, waxay  caawinaysaa Soomaalida, waayo waxaan wadaagnaa dhaqan Afrikaannimo iyo hidde, waxaana gacan ka siinaynaa xilliga KMG ah iyo marka laga baxo, innagoo gacan ka siinayna sidii loo dhisi lahaa hay’adaha xukuumadda,” ayuu yiri Museveni.
“Waxaan doonaynaa inaan difaacno hay’adaha Qaranka, laakiinse hadda waxaan ilaalinaa qaybo badan oo ka mid ah goobaha ay tahay inaan ilaalinno, maxaa yeelay waxaan ka hortagnay weerarro badna oo ay soo qaadeen kooxaha Al-Qaacida xiriirka la leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 7,200-askari, waxaana ku taageeray dalalka Uganda iyo Burundi, iyadoo dalal dhowr ah oo ballanqaaday inay ciidammo u diraan Soomaaliya ay ka baaqsadeen.
Madaxweynaha Uganda, ayaa ku boorriyay saraakiisha Midowga Yurub in tabta keliya ee looga adkaan karo burcadbadeedda ay tahay iyadoo lagula dagaalmo dhulka, lana xoojiyo dowladda Soomaaliya oo gacan ka geysan karta burburinta kooxahaas.
“Waxaa ii muuqata in ilaalinta badda la gelinayo dadaal badan, iyadoo dhibaatada burcadbadeeddu ay asal ahaan ka imaanayso barriga,” ayuu yiri Museveni oo intaas daba-dhigay. “Burcaddu kuma noolaan karto badda, balse waxaan soo jeedin lahaa in xalku uu ku imaan karo in dowladda Soomaaliya ay xaqiijiso daganaashaha dalka.”
Museveni, wuxuu sheegay in ciidammada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay dagaal la geli doonaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira dowladda KMG ah, isagoo sheegay inay dagaalka wadayaan inta ay kooxahaas ka adkaanayaan.

0 comments:

Post a Comment