Sunday, October 10, 2010

Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Cod-Aqlabiyada Ku Ansixiyey Qaar Kamida Masuuliyiinta Hay’daha Madaxbannaa Ee Xukuumada Cusub

 

Hargaysa(burcotoday)-  Mudanayaasha Golaha Wakliilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku  ansixiyey qaar ka mida masuuliyiinta Haya’daha madaxbanaan oo ay ka mid ahaayeen Xeer ilaaliya ha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aaadan, Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaciil ,Hanti dhawarah Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, Gudoomiya Baanka dhaxe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi.
Fadhigan oo uu shir-Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxmed CabdiLaahi (Ciro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu Mudaneyaasha ku wargeliyey sidii ay ballantu ahayd inay ansixiyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada cusub ee Madaxweyne Silaanyo.
Waxaana fadhiga maanta ee Golaha ka soo xaadiray 58 Mudane oo ka mid ah 82 mudane ee uu ka koobanyahay Aqalka Wakiilalada Somaliland.
Xoghaya guud ee  Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka hor akhriyey Golaha CV-yada iyo taariikh nololeedka m,waayo aragnimada shaqo ee masuuliyiintaas,  ka dibna wax shirgudoonka Wakiiladu ay fursad u siiyeen masuuliyiinta la ansixinyey in ay hadalo kooban oo ku saabsan qorshahooda shaqo Golaha u soo jeediyaan.
Ugu horay waxa halaasi ka hadalay Xeer ilaaliyah Guud ee Qaranka Md.Xasan Axmed Aadan oo Golaha ka hor Akhriyey Awoodaha shaqo ee Dastuurka Somaliland uu siiyey Xeer ilaaliyah Guud waxanuu sheegay in uu xilka loo igmaday si daacada u gudandoono.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiyha Hayada Shaqaalaha Dawlada Md.Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil Waxaanuu sheegay in habka shaqaalha dawalada lagu qaato ay wax badan ka xun yihiin, hadaladiisii ka mid ahaa “marka ay hayadaha dawladu shaqaale qaadanayaan waxay hayada shaqaalaha u soo gudbiyaan liis ay dad ku qoran yihin, markaas ayey yishaahdaan noo soo shaqaaleeya,waxa noo qorshaysan in aanu wax badan ka badalno nidaamkaas anagoo la kaashanayna idinka(Golha wakiilada) iyo cidii  kale ee ay khusayso” sidaana waxa yidhi Gudomiyah Hayda shaqalha Muxumed Aw Cabdi.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Hanti Dharaha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim waxaanuu balan qaaday in uu xilkaas oo magacaaby uu u Gudan doono si daacada oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo.
Gudoomiyiha Baanka Dhaxe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi ayaa isaguna halkaas ka hadalay waxan hadaladiisii ka mid ahaa “mudanayaal waa la socotaan Baanku waxuu u baahan yahay arimo fara badan in la huru mariyo waxa ka mida in Baanku uu yeesho qaybta baanka Ganacsiga,waxa kaloo aanu u baahan nahay in aad si dhaqso ah u soo dhamaysan xeerka nidaamka baanka dhexe, mida kale baanka Somaliland ma laha lacag rasamaal ah oo uu ku shaqeeyo,Waxa laga ma maar-maan ah in Baanka dhaxe ee Somaliland uu (raasamaal)kayd yeesho taas oo qaranka lagu bad baadin karo maalinta wax dhacaan”sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha baanka Cabdi Diri Cabdi .
Waxa kaloo uu Gudoomiyha Baanku sheegay in ay wadaan qorashe ay ku hor marinayaan Baanka dhaxe ee Somaliland,Waxa kaloo uu sheegay  Gudoomiyha Baanka Md.Cabdi Dirir Cabdi in todobaan ka hor uu sarifku ahaa 540.000  dadaal ay sameeyeen ka dibna uu maanta marayo600.000.Codaytii
Muadanyaashuna waxay u dhacaday sidan;
Xeer ilaaliyah Guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan waxa ogolaaday 56.Mudane, cida ma ay diidin 1.madane na waaka aamusay, Gudoomiyhuna ma codayn sidaasi ayaa ku ansaxay.
Gudoomiyha Hayda Shaqaalha Dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, waxa ogolaaday 57 Mudane, cid ma ay diidin, cidna kama ay aamusin, Gudoomiyuhna ma codayn sidaas ayaa ku ansaxay.
Hanti Dhawraha guud Md.Maxmuud Aw Cabdi Ibraahim waxa ogolaaday 56 Mudane,  cid diiday ma ay jirin, 1 Mudane ayaa ka aamusay,Gudoomiyuna ma coday sidaasi ayaana ku ansaxay.
Gudoomiyaha Baanka Dhaxe ee Somaliland mudane Cabdi Dirir Cabdi waxa ogolaaday 57 Mudane, cid diiday ma ay jirin, cidka aamusatayna ma ay jirin, Gudoomiyuna ma coday sidaasi ayaana ku ansaxay.

0 comments:

Post a Comment