Saturday, October 9, 2010

Mas’uuliyiintii Shirkadda Nation Link Oo Afduubkii Laga sii Daayey.

 

Laasqoray(burcotoday) -Hawl-wadeennadan Shirkadda Nation Link oo Isniintii toddobaadkii hore koox degaanka Laasqoray u dhashay ay halkaas ku afduubteen kaddibna ula keceen dhinaca buuraleyda (Mashcaleed) ayaa sida ay noo xaqiijiyeen wararka aannu degaankaas ka helnay waxa si shuruud la’aan ah gelinkii danbe ee Jimcaha loo sii daayey mas’uuliyiintaas.
 Arrinta sii deynta mas’uuliyiintan ayaa dhawrkii maalmood ee halkaas ay ku afduubnaayeen waxa ka hawl galay madax-dhaqameedyada uu hormuufdka ka yahay Ugaas-Maakhiri iyo waxgarad badan oo degaankaas u dhashay.
Waxana wararku intaas ku dareen in mas’uuliyiintan iyo baabuurkii ay wateen la filayo maalinta Sabtida in ay soo gaadhi doonaan magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
 

0 comments:

Post a Comment