Saturday, October 16, 2010

War Deg-Deg ah :Nin Goor Dhaweyd Lagu Toogtay Magaalada Burco+Rasaas Xiligani Ka Socota Bariga Burco

 

BURCO(burcotoday)- Waxaa Goor Dhawaeyd Lagu Dilay Magaalada Burco nin, kaas oo ilaa haatan aan la garanaynin Cida Dishay balse goobtaa lagu dilay ninka oo hayd Suuqa laba Qow ayaa dad arakayay waqtiga uu dilku dhacayay waxa ay sheegeen in ninka wax dilay uu ku hubaysnaa Baastoolaad kaas oo aan gabi ahaantiiba la arkayaynin wejigiisa ka dibna uu labo Xabadood kaga Dhuftay marxuunkani Salaanta taasina ay Keentay in isla waqti yar ka dib uu halakaasi ku nafbaxo.
Markii Falakani Dhacay ayaa Ruuxii dilka gaystay uu cararay isaga oo xiligaasi baastooladii uu dilka ku gaystay laaldlaadsnaya una diyaar ahaa inuu iska difaaco cid kasta oo isku dayda inay soo qabato,isla qadar yar ka dib ayaa waxaa goobta soo gaadhayay ciidamada Booliska oo iyagu halkaasi u dhawaa madaamo oo goobta falkani ka dhacay ay u dhaweyd Saldhiga Dhexe ee Booliska Burco waxaanay ciidamado ka dabatageen Ruuxii Dilakani Gaystay balse waxa ay ku guul daraysteen inay Soo qabtaan.
Wararka qaara ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay in badan daba yaacayeen ruuxa dilkani gaystay balse ay gebi ahaantiiba ku guuldaraysteen inay soo qabtaan ninkani gacan ku dhiiglaha ah ee ku hubaysnaa Bastoolada.
Geesta kale ninkani la dilay ayaa la sheegayaa inuu yahay nin dhawaan ciidamada Booliska Gobolka Togdheer u soo sheegay Nin watay walxaha Qarxa kaas oo ciidmada Bolisku ay Qabteen balse nasiib daro irida hore ee saldhiga dhexe ee Burco markii la marinayay awood u yeeshay inuu ka baxsado gacanta ciidamada ka dib markii u arkay daganaan buuxda oo xiligaasi ka muuqatay ciidamada Booliska Burco.
Maaha markii ugu horaysay ee fal noocani oo kale ahi uu ka dhaco magaalada Burco balase dhawr jeer ooh ore ayay falal noocani oo kale ahi ay ka dhaceen Magaalada Kuwaasi oo dilal kala duwan loogu gaystay nuwadiniin badan taas oo inta badana ku timaada aanooyin Qabiil oo dhex yaala Beelaha Gobolka Qaarkood kuwaasi oo lagu guulaysan kari waayay in xal waara loo helo.
Ug danabaytii waxaa haatan Magalaada Burco Dhankeeda Bari ka Socota rasaas ay ridayaan ciidamada Boolisku kuwaasi oo ku raad jooga Ninkani Dilka gaystay iyo shakhsiyaad kale oo laga shakiyay, rasastani ayaa iyadu ah mid laga maqlaayo qaybaha i Bari ee Magaalada Burco.

0 comments:

Post a Comment