Wednesday, October 27, 2010

Volcano ka qaraxdey dalka Indonesia oo ku dishey 17 qof .

Jakarta(burcotoday) Qarax Volcano oo ka qarxay badhtamaha gobolka java ee dalka Indonesia ayaa ku diley 17 qof,waxaa kaloo ku dhaawacmey 39 qof oo kale kadib markii qiiqa kulal ee foolkaanuhu u soo gaadhsiiyey waxweelo dhanka neefsashada ah ,qaraxan foolkaanaha yaaa dhacay galanimadii salaasada(shaley) ,waxa kaloo la sheegaya in ku dhawaad 15,000 oo qofi ay ka qaxeen guryahoodii.


“lix iyo toban qof ayaa meydkoodi laga heley isla goob keli ah iyadoo ay dabooshey hanbas ,ilmo yar oo kalena wuxu ku sii dhintey jidka intii lagu sii wadey cusbitaalka” sida waxa sheegey mr Yogyarkata oo ka tirsan xafiiska ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah.

inta badan dadkan ay waxyeeladu kasoo gaadhey ayaa jidhkoodu gubtey isuna bedaley madow sida laga arkey muuqaaladii ay televisionadu soo gudbinayeen.

mr Yogyarkata wuxuu kaloo intaas ku darey in 39qof oo kale lagu daaweynaayo cusbitaalada dhibaato kasoo gaadhey neefsashada iyo weliba dhaawacyo kale, sidoo kale dadkii deegaankaas ay ka dhacdey foolkaanuhu ku noola ayaa looga rarey deegaano ka durugsan oo ilaa 10km u jira buurtaas ay foolkaanuhu ka qarxey.
wuxuu kaloo intaas raaciyey iney jiraan ku dhawaad 15,000 oo qof oo loogayey dhul ka durugsan goobsaas isla markaasna gaboodo looga dhigey xerooyinka ciidamada iyo iskuulada ,halka qaarkelina loo dhisey teendhooyin gabood ahaan loo adeegsan karo.
sidoo kale waxay waxyeelo aad u weyni kasoo gaadhey dhirtii iyo deegaankiiba kadib marki ay dhirtii gubatey oo danbaska noqotey ,buurta uu ka qarxay foolkaanuhu oo joogeedu ahaa 2,968 oo mitir ayaa sadexjeer uu foolkaanahani ka qarxey markii ugu horeyseyna waxay ahayd galabnimadii salaasada wakhtiga jakarta markii ay ahayd 5:02 Pm.
televisionada ayaa laga arkaayey dad lugahooda kaga yaacaaya goobaha khatarta ah ee u foolkahani ka qarxey iyo weliba qaar baabuurta yar yar iyo kuwa xamuulka ahba isticmaalayey si ay uga fogaadaan khatarta ka imaneysa qaraxa foolkaanaha.
sida ay sheegayaan saraakiishu waxa ilaa hada jira 40,000 oo qof oo weli ka agdhow goobta ay ku taalo buurtan uu foolkaanuhu ka qarxey .



foolkaanihii ugu danbeeyey ee buurtan ka qarxey wuxuu ahaa 2006kii isago ku diley laba qof ,tii kasii horeyseyna waxay  ahay 1994kii halkaas 60 qof ku dhinteen tii ugu horeyseyna waxay ahayd 1930kii oo dad gaadhaya 1,000 ku dhinteen.

ugu danbeyn dalka Indonesia ayaa ku yaala jiid uu ku badanyahay foolkaanuhu loona yaqaano THE PACIFIC RING OF FIRE waxaana laga diiwaangaliyey ilaa 129 foolkaano iney ka dhaceen .


0 comments:

Post a Comment