Sunday, October 17, 2010

Xuska Maalinta Shuhadada SNM 17-ka October Oo Ku Beegan 26 Guuradii Ka Soo Wareegtay 17-ka October Oo Maanta Somaliland Ka Socota

 

Hargeysa (burcotoday)- Waxa maanta Jamhuuriyada Somaliland laga xusayaa 26-guurada ka soo wareegtay ka soo wareegtay maalinta shuhdada SNM oo ku beegan 17 -kii Oktobar 1984, oo sannad kasta Somaliland laga xuso 17-ka October.
sidaa darteed annaga oo goor dhaw idiin soo gudbin doona wararka xusaska maalinta Shuhada SNM, waxa aad ku soo dhawaataan qotaal ku saabsan; Maxay ku timi maalinta shuhadadu?
17 ka Oktobar 1984 Waa maalin ku astaysan maalmaha taariikhda aan la hilmaami kkarin ee halgankii xaq u dirirka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM Waxay ahayd maalin kawsatay sadex mucjiso oon marna cid ka jawaabta la hayn ilaa maanta kuwaas oo kala ahaa ahaa sidan:
1.Ciidamada xaq u dirirka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed oo tiradoodu aad uga hoosaysay kuwa mujrimiintii qasbanaa ee taliski siyaad bare.iyadoo goobtaas burco duuray ay isku haleeleen sadex urur oo SNM ah oo tira ahaan dhamaa 340 iyo ku dhawaad 2500 oo ciidamadii qasbanaaa ee taliskii siyaad halkaas oo ay ka dhacday wax aan maanta laga sheekayn Karin.
2.Ciidamadii qasbanaa waxa ay wateen oo wehel u ahaa ku dhawaad 100 tikniko ah ama gawaadhida gaashaaman ee ciidamada.
3.Xabada ugu horeysay waxa ay bilaabantay 2dii duhurnimo ee maalintaas goobtuna waa qaaxo oo ,halkaas oo ciidamada qasban ee taliskii siyaad wateen inay soo qabqabtaan xaq u dirirka maxaase ka raacay.
4.Isla maalintaas waxa hawd ka bilaabmay dagaal kaas oo lagu soo qaaday beelahii SNM Taageeri jirey ,dagaalkaasoo ay ka qayb galeen ciidamo ka yimi muqdisho kuwaas oo hawlgal midaysan la wadaagayey kuwa ka soo duulay hargeysa iyo qaybtii 26aad iyadoo si cad loo kashifay dagaalka hawdka lagana soo qabtasy ciidamo ka diiwaan gashan taliskii qaranka somaliya balse uu maamulkaas jirey markaasi abaabulay
maxaase dhacay……?
Waxa dhacay waxa aan hore loo arag loona maqal waxa goobtii dagaalku ka bilaabmay 2dii waxanu socday ilaa 6dii ,waxa ku naf waayey mujaahidiin dhan 33 hal;ka ciidankii qasbanaa ay ku bakhtiyeen 1200 oo askarqasban ah . Isla markaana ay ciidamada dhaqdhaqaqa SNM ay ku gubeen goobtaas 13 gaadiidka ciidamada faqashta ee loo yaqaanay bebega maydkooda la saaray bilcilka burca duuray oo ilaa maanta laga arki karo raqdoodii
Ala haw naxariistee dhamaan mujaahidiintii SNM ee hawl galkaas fulisay waxa lagu aasay dhamaan magaalada Rabaso .
Dagaalkan ay soo abaabushay qaybtii 26aad ee ciidamadii qasbanaa waxa u jilib dhigay 340 mujaahid oo hogaanka uu u hayey rabi haw naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye(LIXLE) Isagoo mujaahidku isla goobtaas ku shahaado qaatay ,halka ciidanka ay is heleen ee cadawgu dhamaa 2500 oo askar qasban ah kuwaas oo ilaa maanta goobtii ay ka muuqato calaamadahii jabka ee ka gaadhay goobtaas lagana arkin karo gaadiidkii iyo lafahii maydkii ciidankii qasbanaa ee maalintaas guul darada qaatay,
Waxa xusid mudan oo aan marna la hilmaami Karin tirade gaadiidka gaashaaman ee cadawgii siyaad laga gubay isla maalintaas halka aan ciidankii xaq u dirirku wadaniga ee SNM Haysan wax tikinko ah haba yaraatee oo u dhiganta ta ay wateen ciidankii cadwga ee maalintaas waxa kale oo aan la hilmaami Karin in maalintani ahayd maalintii ciidankii SNM iyo cdii taageeri jirtayba aqoonsadeen in BEBEGA la gubi karo iyadoo lagu xasuusto mujaahid xaamud sabanle oo isla goobtaas ku shahiiday maalintaas ahaana mujaahidkii u iftiinshay SNM in BEBEGA la gubi karo(Ifkuu xaamud daariyo darban baan ku dhaatee)(XAQAA HIILIYEE XOOG KUGUMA RIDIN)

0 comments:

Post a Comment