Sunday, October 31, 2010

Guri Maanta Ku Shufbeelay Magaalada Hargeysa + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Guri ay ku noolaayeen sideed caruura iyo labadoodii waalid, ayaa maanta ku shufbeelay dagmada 26-ka juun ee magaalada Hargeysa.

Guriga oo uu lahaa Ganacahadaha reer somliland ee Xaaji Baxsane, ayaa gubashadiisa waxa sabab u ahaa shoodhka ka dhashay laydh ku jiray guriga, kaas oo sababay in uu gabi ahaanba uu shufbeelo gurigu marka laga reebo alaabooyin fud-fu-dud oo laga samata bixiyey iyo dhismihii gidaarada ee guriga.

Markii uu dabku qabsaday guriga ayaa waxa bakhtiintiisa si weyn uga hawl galay sadex Dabdsaamis oo ka soo kala gurmaday xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa, shirkada Dahabshiil, iyo madaarka Caasimada Hargeysa,    kuwaas oo intii ay dhexda  ku soo jireen  uu gurigii si xun u guntay, hase yeeshee markii dambe ku guulaysatay in ay bakhtiiyaan dabakii.

“Markii uu dabku guriga qabsaday waxa ku sugnaa oo hurday sideed caruura ah iyo hooyadood, nasiib wanaag ilmo yar oo ka mid ah caruurtii oo soo toosay ayaa arkay guriga oo qiiqaya, badadeedna hooyadiibuu toosiyey, markii ay dibada u soo baxday ayey aragtay gurigii oo gubanaya, waxa ay gudo-gashay inay caruurta badbadiso, Ilaahay mahadii waanay ku guulaysatay, oo iyadiibaaba halis gadhay oo guban gaadhay” sidaa waxa idhi Cabdiraxiim Cabdilaahi Beerna oo ay walaalo yihiin Aabaha qoyska Saciid Cabdilaahi Beerna.

Waxaanuu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ilaahay Mahadi ha u sugnaatee cid wax ku noqtay may jirin dabka, hase yeeshee waxa si xun  u shuf beelay agabkii kala duwanaa ee guriga hoos yaalay.”

Gubashada Guryahaya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey aad ugu soo badanaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaaba gobolada ka gadisan ee dalka, iyada oo aanuu wadanku lahay dabdadiyo kala duwan oo lagaga hor tago khatarta dabka.

0 comments:

Post a Comment