Thursday, October 7, 2010

Burburkii Al-shabaab Oo Toos U Bilaabmay…Ina-Godane iyo Inta Lahaybta Ah Oo La Ugaadhsanaayo. Xassan Yacquub Horjoogihii Kismanyo Oo Baardheere u Baxsaday.

 

Xog xasaasi ah oo ay soo tabiyeen sirdoonka u dhuun-daloola arimaha Argagixisada Al-shabaab ayaa tilmaaamaysa in Khilaafkii u dhaxeeye Abu-Mansuur iyo Ragga u dhashay Beesha Isaaq ee hogaaminaaya Al-shabaab (Axmed Cabdi Godane & Ibraahim Xaaji jaamac Meecaad)uu noqday mid faraha ka baxay oo loo caalwaayey. Khilaafka gaamuray oo ka dhashay Sadbursi, Hunguri, Eex iyo Qabyaalad is huwan oo ay ku kacayn Ahmed Godane iyo Ibrahim Meecaad ayaa Adhaxda ka jabiyey Al-shabaab. Ina-Godane oo isku xeer koox la Hayb ah ayaa Maaliyadii Ururkan u Dhiibtay nin ay Jifo hoose yihiin. Dagaaladii qadhaadhaa ee ka dhacay Muqdisho bishii ramadaan ayaa la sheegay in Ahmed Godane ka faa’idaystay, isaga oo si farsamaysan u laayey dhaawac badan oo ay isku hayb ahaayeen Abu-mansuur.
Mukhtaar Robow (Abu-Mansuur) oo u adkeeysan-waayey Facaayilka Ina-Godane ayaa Maleeshiyadii Reerkooda ee daacada u ahaa kala baxay Muqdisho una Kolonyeystay dhinca Baydhabo, wararkii u danbeeyey ayaa sheegaaya in Wadaadka dad-dilka Dahir Aweys oo ka faa’idaysanaaya khilaafka Shabaab-ka uu shir deg-deg ah la galay Abu-mansuur soona jeediyey in ay ku dhawaaqaan Urur ay ku midaysan yihiin oo la yidhaahdo Al-Islaamiyah. Dahir Aweys oo ku taamaaya Ina-Godane iyo Inta la haybta ah ayaa ku yidhi Abu-mansuur waa inaan iska dhicinaa Raggaa ka soo duulay Waqooyiga ee taladii inaga maroorsaday.
Wararka ka imanaaya dhinca Kismanyo ayaa iyana sheegaaya in Horjooge Xasan Yacquub oo ay wehliyaan Maleeshiyaad hubaysan iyo Gaadiid dagaal uu ku sii jeedo Baardheere oo ka tirsan Gobalka Gedo si uu ugu biiro Maleeshiyaad uu horkacayo Mukhtaar Roobow oo maalmahaan Abaabul ka wada halkaa. Sido kale wararka ayaa intaa raacinaaya in Khasnajiga dekadda Magaalada Kismaayo iyo ilaalo uu wato ay qaateen Lacag ka badan $100,000 (Boqol kun oo dollaar),waxaana la ogayn halka ay u baxsadeen iyo jihada ay afka saareen. Maleeshiyaad kale oo iyaguna la dhacsan fikradaha Mukhtaar Roobow islamarkaasna la hayb ah ayaa lagu arkay wadada weyn ee isku xidha Magaalada Kismaayo iyo Afmadow….
Maleeshiiyaad ku sugnaa deegaanada loo yaqaan Kubba-kibir, Kurkurmeeso, Canjeel iyo Janaay-Cabdalle, tuulooyinkaas  oo intooda  badan ku taxan wadada isku xidha Afmadow iyo Kismaayo ayaa iyaguna la goostay wixii hub ahaa ee ay siteen, kuwaas oo Hawdka galay.
Odey ka tirsan deegaanka Kismaanyo oo magaciisa ku sheegay Maracadde ayaa yidhi “ nimankan Waqooyiga nooga soo haajiray ee ku gabanaaya shareecada Islaamka, waa na dhibeen, Seko khasab ah ayey naga qaadaan Xoolahayagii ayey nagu haystaan….Haddii aad tidhaahdo waan bixiyey kaama dhagaysanaayiin… mana xishoonayaan…..Waa dad iimaan laawayaal ah” sidaas ayuu ku cataabay Maracadde oo ku sugan tuulo 35 km u jirta magaalda Kismaayo oo layidhaahdo Allan Caato.
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment