Sunday, October 31, 2010

Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay In Uu Iska Casilay Xilkii Gudoomiyenimada Iyo Sababaha Ku Kallifay

Hargeysa (OWN)- Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee Jaamcada Hargeysa.

Waxaana uu sheegay in is casilaadiisu ay salka ku hayso go’aan uu hore u qaatay oo ahaa in uu jaamcada Hargeysa Gudoomiye ka ahaanayo mudo laba sanadaood ah iyo arrimo isaga u gaar ah.

Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa waxa uu iscasilaadiisa kaga dhawaaqay shir’jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadalay arimo la xidhiidha sicaislaadiisa, iyo waxyaabihii u qabsooamya mudadii uu ahaa Gudoomiyaha Jaamcada Hargeysa.

Ugu horay waxa uu Dr.Bulxan ka hadalay sababata keenata in uu is casilo isaga oo arintaas ka hadalaya waxa uu yidhi “Laba sanadood ka hor markii aan Gudoomiyha ka noqday Jaamcada hargeysa waxa aan balanqaaday in aan xilkaas hayn doono mudo laba sanadood ah ,taas baan aniga go’aan kayga ahayd in aan u shaqeeyo Jaamacada Hargeysa iyo Dalkaba, taasbaan ku qaatay kuna ogolaaday in aan Gudoomiye noqdo” Sidaana waxa yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Dr.Bulxan in mudadii uu ahaa Gudoomiyha Jaamcada Hargeysa uu u go’ay shaqada Jaamaca isla markaan ay ka baaqdeen hawlo isaga u gaara waxana uu  carabka ku dhuftay in tiraba sadex buug oo isagu uu qorayey oo laba ka mid ay qoraalkoodu u dhamaadeen uu wakhti uu ku daabaco u weeyey, maadaama uu maalin iyo habeenba ku mashquulsnaa shaqada Jaamcada,  waxan uu sheegay in uu imidka uu u noqonayey dhinaca qoraalka iyo shaqadiisii Dakhtarnimo, waxanu intaas ku daray Dr.bulxan in aanu faraha ka laabna doonin dadaalkiisa uu ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisaba.

Waxa kale oo uu ka hadalay Dr.Bulaxan  mudadii uu Gudoomiyaha ahaa iyo hawlihii u qabsoomaya waxan uu sheegay sidatan “Markii aan Gudoomiyaha noqday waxaanu aniga iyo shaqaalihiiba u nimid meel ay shaqo badani taalo, dayn badana lagu leeyahay, u baahan in loo sameeyo saruucdii lagu maamulilahaa, wax badana ay ka dhiman yihiin, sidaa daraadeed waxaanu aad uga dadaalnay in aanu dayntaas bixino waana aanu bixinay, waxa kale oo aanu Jaaamcada ku soo kordhinay Dhismayaal Cusub, Shuruucdii lagu maamulilhaa haday tahay tii dhinaca waxa barashada, maamulka iyo xisaabaadka, waxa kale oo aanu jaamca ku soo kordhinay Qalab tiro badan” sidaana waxa yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxa kale oo uu  Dr.Bulxan ka hadalay mudadii ay Jaamacada Hargeysa ay jirtay iyo marxaladihii ay soo martay isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa ay jaamaca jirtay 10 sanadood, dad badanbaa tacab iyo dadaal soo galiyayey hadaytay Waalid, Macallimiin,Dawlad iyo shacaba, waa jaamacdii labaad ee dalka lag higaliyey, runtii waa lagu faani karaa halka ay maanta marayso, mudadaas ay jiratay ee 10ka sanadood ah iyo halka ay maryso maanta Guul ayey joogataa Jaamcada hargeysi ” sidaan waxa yidhi Dr.Bulaxan.

Waxa kale oo uu ka hadalay Gudoomihii hore  ee Jaamacada Hargeisa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan heerka ay maanta marayso Jaamacada hargeysa waxan uu sheeegay in mudadii uu joogay Jaamaca ay wax badan u qabsoomeen waxa uu sheegay in mudadaas ay jaamacad ku soo kordhiyeen Kuliyada badan oo ay ka mid yihiin Kuliyada Beeraha, Kuliyada Engineerinka, iyo  Kuliyada Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka.

Mar uu Dr.Bulxan ka hadalayey tayada Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Hargeysa  wax hadaladisiika mid ahaa “ waxa imika jooga jaamcada 12 macalin oo ajinabi ah ku waas oo ka qayb qaadana tayada aqoontaardayada ee  luqada Enghlishta, anigu ma aan jeclayn in aan Jaamcada ka tago, laakiin wax aan ka maami waayey in aan ku noqdo shadaydii dakhtarnimo, waxaan maanta aad ugu kalsoonahay in Macalimiinta Iyo Maamulka kale ee Jaamacadu ay ka soo bixidoonaan shaqadooda, kamana tagayo Jamacad si haysata ee waxaan ka tagayaa Jaamcad maamul iyo Ardayaba Meel u wada jeeda” sidaan wax yidhi Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan.

Waxanaau intaas ku daray Dr.Bulxan in ay maanta Jaamacada Hargesa leedahay Maamul madaxbanaan isago arintaas kahadalayana waxauu yidhi sidan “ Waxaanu jaamcada u samaynay Gudi xula ah oo tayo leh ku waas oo aad wax u taraya Jaamacada Waxa gudidaas ka mida Madaxweyne ku xigaaenkii Hore Md.Axmed Yuusuf ,Gudoomiha Shirka TELESOM Cabdikariim Maxamed Iid, Meereeyaha Shirkada Dahabshiil , Md.Cabdirashiid Maxmed Saciid, Gudoomiha Sirkada DAALLO Arlines Md.Colaad , Sheekh Aaadan Shiiro, Dr.Cismaan Axmed, Xasan Bulbul, dadkaas oo ah dad aqoon leh wax ay jaamacada taraan maahee aan waxa ugu baanahay” sidaana wax yidhi Dr.Xeseen cabdilahai Bulxan.

0 comments:

Post a Comment