Wednesday, October 6, 2010

Doorashada Dalka Uganda Oo Siweyn loogu Diyaargaroobayo

Kampala (burcotoday)- Waxaa dalka Uganda si weyn  loogu diyaar garoobayaa Doorashada Madaxwaynaha  iyo Baarlamanka ee dhici doonta Sanadka 2011 ee ay ku tartamayaan Madaxwaynaha  talada dalka haya  ee  Yowre kagute musavin  iyo Dr bisiji.

 Waxaa aad ku arkaysaa shaaracyada caasimaddan kampala sawiradda  musharaxyada Madaxwaynayaasha , Hadaba  qaar ka kid ah Soomaalida ku nool wadankan oo ah dad aad u fara badan ayaa qaatay kaadhadhka codaynta oo iska diiwaan  galiyay xaafadda  kisenyi ee ku taala caasimadda dalka Uganda ee  kampala.
Xisbiga muxaafidka ah ee NRM  oo ka sharaxan yahay nin Somali ah oo u sharaxan  Lc 1 xafadaas  kisenyi, Sida an ognahay doorashadi i hore madaxwayanaha ayaa  somali aad u badan oo isugu jira qaar ku dhashay dalka uganda iyo qaar soo galay bari hore ayaa uu codeyay madaxwaynaha musavin, Iyado dhaliil badani uga timi xagga xisbiyadda  mucaaradka ah oo ay Soomaalidu  ku shegeen inay yihiin dad Qaxooti ah oo aanay codayn karin.
Hadaba doorashadan  ayaa waxaa ka hadlay dadka lacagta leh iyo ganacsatada waawayn waxaanay isku raaceen in  Madaxwaynaha  Musavin  loo codeeyo  maxaa yeelay waxaa la arkaa  heerka ad maanta joogtan  Soomaalidu , laakiin hadii madaxwayne cusubi qabsado waxaa laga yabaa inuu ganacsigayagu burburiyo ama uu sharci cusub layimaado. 

0 comments:

Post a Comment